Hooyo Caruurteeda ka masruufata Baco biyo lagu shubay

Barkhdaad Cabdi, (ma aha magaceeda runta ah) waa hooyo Soomaaliyeed waxay jiirgaankeeda buluuga ah ku buuxisaa biyo laga keenay bar-biyood dhowaan Guddiga Caalamiga Laanqayrta Cas (ICRC) dayactirtay. Bambkan dib loo hagaajiyey wuxuu u ogolaaday in ay furato ganacsi cusub: bacaha balaastiiga biyahu ku jiraan waxay ka iibisaa darawalda baabuurta ka shaqeeysa waddo mashquul badan oo ku taalo galbeedka Soomaaliya.

“Maalintii waxaan helaa $1. Waan ogahay ma aha lacag badan laakiin anigu lacag badan ayey ii tahay. Lacagtan yar waxaan ku daboolaa baahiyaha labadayda canug,” waxaa sidaa yiri Bakhdaad oo 38-sano jir ah waana qofka reerka masruufa.

img_0644

Si caruurteeda iyo ganacsigeeda biyo ugu soo dhaamiso, Bakhdaad waxay 200 mitir u socotaa barta laga helo biyaha, waxay sii martaa dukaan si ay uga iibsato dhuxul ka dibna waxay aadaa gurgiga, si biyaha ay u karkariso waxay ku shubtaa digsi-gacan ku sameys ah oo isla deegaanka lagu sameeyey. Waxay biyaha qaboojisaa 10 daqiiqo ka dibna waxay ku shubtaa baco ka sameysan balaastiik.

Iyadoo wadato qaboojiye ku buuxaan bacaha biyaha waxay lugeysaa saddex kiiloomitir si ay u gaarto jidka weyn. Halkaas qoraxda ah ayey taagnaata iyadoo sugeysa darawalada baabuurta xamuulka ee soo mara wadada weyn ee  isku xirta Dhuusameeb iyo Guriceel.

“ Midkiiba waxaan ku iibiyaa 2000 Shilin Soomaali, maalintii waxaan iibiya ku dhowaad 20 xabbo oo noqoneysa qiyaastii 2 doolar, way igu filantahay waan ku daryeeli karaa labadeyda caruur,” sidaa ayey tiri.

buul

Dalool yar ku yaalo gurigeeda Qoqob waxaa laga arki kara tiro geel iyo dameero u ordayaan in ay gaaraan barta biyaha. Magaalada Dhuusameeb waxaa lagu yaqaana dadkeeda xoolo-dhaqatada ah. Magaaladu waxay keliya leedahay dhowr dhismo oo leh meelo lagu tukado oo xilliyada jilaalka xoolo-dhaqatadu ku kulmaan kuna qabsadaan Alle bari roob-doon.

Sanadkii 2014-kii ICRC waxay tuulada Qoqob u dayactirtay il-biyood oo caawintey ku dhowaad 10.000 qof oo halkaas ku nool. Ceelka waxaa maamula bulshada.

Iyadoo laga soo xiganaayo Fernando Resta, oo isku-dubarida mashaariicda biyaha ICRC Soomaaliya, biyuhu waa walaaca deg degga ah ay qabaan xoolo-dhaqatada iyadoo jirto bee’ ada qallafsan ay ku nool yihiin.

“Waxaan garwaaqsanay in mugga haanta qaadi karto aanu ku filneyn bulshada xoolo-dhaqatada iyo xoolahaba oo ku tiirsan ceelkan. Taana waa sababta aan u dhisnay haan qaadi karto biyo badan,” Fernando ayaa yiri.

Colaada Soomaaliya waxay socotay in ka badan labaatan sano.Meelaha biyaha laga heli jiray oo gaboobeen waxaa looga tagay xaalad dayactir la’ aan  ama bur bur taa oo ka dhalatay gabow iyo dayacid. Inta badan bulshada halkaan ku nool waxay quud  ahaan keliya ku tiirsanyihiin xoolaha, marka laga reebo Bakhdaad oo dooratay in ay tijaabiso hawl kale.

Bakhdaad waxay ka qaxday Muqdisho ka dib dagaalkii sokeeye ee 1992-dii una guurtay Dhuusamareeb. Ka hor inta uusan si xun u xanuunsan seygeeda laba sano ka hor, wuxuu laf-dhabar u ahaa qoyska waana taa Bakhdaad to qasabtay in ay istaagto qoyskana daryeesho.

“ Waxaan iibin jiray shaah. Waxaan shaah ka iibin jiray xoolaleyda deeganka laakin waan iska daayey markii aan ogaaday in wax fiican laga heleynin.

Source:  icrc blog