Itoobiya iyo Djibouti oo furay Tareen casri ah oo isku xiraya labada Dal

Waxaa markii ugu horreeyay la furay Tareen koronto ku shaqeynaya oo isku xiraya dalalka Itoobiya iyo Djibouti, kaas oo fududeyn doono safarka labada dal iyo ganacsiga.

Tareenka ayaa waxaa uu ku ordi doonaa xawaare gaaraya 120 KM saacaddii, isagoo waqtigii safarka ee labada caasimadood dhexdooda ka dhigaya wax ka yar maalin nuskeed.

Waxay markii hore alaabooyinka ku qaadan jirtay muddo saddex maalmood ah waddada baabuurta dhulka u dhexeeya dekedda Djibouti ilaa caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa.

Maalgalinta mashruucani waxay inta badan ka timid Bangiga wax Dhoofinta iyo soo Dejinta ee waddanka Shiinaha, oo isagu sidoo kale aad ugu lug leh mashaariic kale ee kaabayaasha dhaqaalaha dalka Itoobiya.

Madaxda labada dal oo munaasabadda furitaanka ka qeybgalay ayaa sheegey in jidka cusub ee tareenku uu sii xoojin doono xiriirka ganacsiga ee ka dhaxeeya Itoobiya iyo Djibouti.

Itoobiya waxay haatan wax kala soo degtaa kana dhoofsataa ku dhowaad 90% alaabooyinkeeda dekedda dalka Djibouti.

t6
t1

t2

t3

t4

t5

 

t7

t8

PUNTLAND POST