Faallo”Adduunyo Waa Sheeko Iyo Shaahid”

said-soona-2
Siciid Soona

“Jimce 30/09/2016” Waa maalintii iigu horraysay oo aan arko badd intii aan dunida guudkeeda saarnaa, waana maalintii koowaad ee aan dhex galo, Islamarkaana jirkayga taabsiiyo biyo badeed.

Ma cabiri karo siduu ahaa dareenkaygu jimcihii balse waxaan hubaa inuu ahaa mid saameyn gaar ah igu reebay, waxaana ka mid ahaa waxyaabaha i cajab-galiyey ciid khafiif ah oo taallay afaafka hore ee badda, gaar ahaan meesha ay yimaadaan biyaha badda ee hirarku riixayaan, kana laabtaan.

Waxaan is marmariyey ciiddii qoyanayd ee xeebta tiilay, Waxaana ku dhabooqday qeybo badan oo ka mid ah jirkayga iyo wajiga, taasina waxay ahayd arrin ii dhimaneyd oo markii iigu horeysay ah.

siad-soonaMicnuhu ma ahan inaan ku faraxsanahay aragtida badda, balse xaqiiqdii waxaan rumeeyay inay ku haboon yihiin xeebaha dhulkeenu dalxiiska iyo damaashaadka,Sow bal aniga isweydiiyay!, toloow maxaa loo hagaagsan la,ayahay dalkaan raaxadu taalo ? Sababtoo ah waxaan hubaa inuu xiiso galin lahaa adduunkoo dhan!.

Waxay xeebta Bosaso sawir buuxa iyo xog dhamaystiran  iga siisay kuwa kale ee la midka ah inaysan ka dhicin Islamarkaana si isku mid ah ugu baahan yihiin inaan la dayicin oo loo istaago sidii loo  daryeeli lahaa .

Ugu danbeyntii waxaan ugu baaqayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed inay ka faa’iidaystaan kheyraadka dalkoodu leeyahay , midkaas oo aan  is leeyahay waxay kula tartami karaan ummadaha kale ee caalamka.

W/Q:-Siciid Soona

Bosaso Puntland Soomaaliya

PUNTLAND POST