Ra’isilwasaare ku xigeenka Soomaaliya oo Gaaray Magaalada B/weyne

Wafdi uu Hogaaminaayay Raisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga Raisulwasaare  ku-xigeenka ayaa waxaa ka mid ahaa Wasirudowlaha Wasarada Arimaha Gudaha Xukumada Soomalia C/rashiid Xidig , Afayeenka Xukumada Soomaliya, Saraakiil Ka Socotay Safaradda Jabuuti Ee Soomaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Xubnaha wafdiga uu Hogaaminayay Raisulwasaare Ku-xigeenka waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas khaliif ee magaalada Beledweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha gobolka Yusuuf Axmed Hagar Yuusuf DabaGeed  Iyo Qeybaha Bulshada Gobalka Hiiraan , iyaga oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa midowga Afrika AMISOM.

Wafdiga ayaa Kulamo la qaatay Maamulka Gobolka Hiiraan iyo waxgaradka Gobolka iyagoona kala hadlay Sidii Loosii Amba qaadi Lahaa Howlaha Dowlada Dhaxe Ee Soomalita, iyo sidii Loo Dhameeyn Lahaa Muranka Ka Jira Arimaha Mamul U Sameeynta Gobolda Hiiraan Iyo Sh/Dhaxe.

“Waxaan Ku Farax Sanahay Inaan Maanta Imado Magalada Beledweyne Waana Ku Faraxsanahay Inaan Halkan Joogo Inta aan Beledweyne Ku Suganahay Waxaan la Kulmi Doonaa Dubaabka Dhaqanka Ee Gobalka Hiiraan, Odooyaasha Haweenka Iyo Qeybaha Bulshada oo Dhan oo aan La Yeelan Doona Kulamo Kala Duwaan Ujeedka Safarkaan Waxaa uu yahay Horu u Socodka Arrimaha Dowlada Soomaliya”, Ayuu Yiri RW ku-xigeenka Soomalia Maxamed Cumar Carte.

Odoyaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa ka soo Horjeedo in ay Tagaan Magaalada Jowhar halkaasi uu ka socdo Shirka Maamulka loogu Sameeynayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

1 2 3 4 5 6

PUNTLAND POST