Midowga Yurub oo Cambaareeysay Dib u Dhaca Doorashada Somalia

Wakaaladda wararka u fidisa wadanka Kuwait ee Kuwait News Agency (KUNA) oo soo xigatay mas’uuliyiin katirsan midowga Yurub ayaa sheegtay in midowga Yurub uu ka digay dib udhac markale ku yimaado doorashada Soomaaliya.

“Shaki noogama jiro in doorasho Soomaaliya ay ka dhaceyso Doorashada hase yeeshee waxa aynu ka walaacsanahay ayaa ah in doorashada ay ku dhacdo waqti gaabis ah” sidaana waxaa lagu yiri war kasoo baxay Midowga Yurub.

“Soomaaliya waa dad ku dadaala dhowridda Dastuurka iyo Shuruucda u taal sidaa oo ay tahay waxaan ugu baaqeynaa in doorashada aysan markale dib ugu dhicin 30-ka November maadaama waxa indha lagu wada hayo ay tahay” ayaa markale lagu yiri warka midoyga Yurub kasoo baxay.

Doorashada Soomaaliya ayaa dhawaan dib ugu dhacday bishaan 30-keeda iyadoona Guddiga farsamo ee doorashada dalka aya sheegeen in ay arintaani sabab u tahay sababo la xiriira dhaqaalaha doorasho iyo xubnaha aqalka sare ee dalka oo aanan lasoo gudbin.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay nasiib daro tahay in doorashada Soomaaliya ay dib ugu dhacdo waqtigii 2012-kii lagu heshiiyey hase yeeshee sheegtay in madaxda madasha wada tashiga ay cadaadis ku saareyso dar-dar galinta doorashada.

Midowga Yurub ayaa taageera Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyagoona ka taageero dhinacyada dib u dhiska Ciidamada Dowladda iyo qalabeentoodaba.

PUNTLAND POST