Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay Ciidamo ka socda Turkiga oo ku soo wajahan Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka Hadlay Ciidamada ka Socda Turky-ga ee imaanaya Gudaha Magaalada Muqdisho si ay tababaro u siiyan Ciidamada kala duwan ee Dowlada Soomaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi  gaar ah siiyay Wakaalada wararka dalka Turkiga Anadol ayaa tilmaamay ka dowlad ahaan ay soo dhaweynayaan Taageerada Dowlada Turky-ga ay siinayso Soomaliya.

“Dowlada Turkey-ga waa Saaxiibka Koowaad ee Soomaliya waxay Caalamka Tustay in Soomaliya ay tahay meel amaan ah, shacab iyo madaxda Turky-ga waxay Caalamka oo dhan ay tuseen In Soomaliya la imaan karo”, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya  Xasan Shiikh Maxamuud.

Dowlada turkey-ga ayaa sheegtay in Ciidamo ka socda dalkeeda ay iman doonaan Gudaha Soomaliya si ay tababaro u siiyaan Ciidamada Dowladda Soomaliya oo la qorsheenayo in ay la wareegeen goobaha ay ka baxayaan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM dhamaaadka Sanadka 2018-ka.

Dhinaca kale Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud  ayaa  soo hadal qaaday  Arrimaha doorashooyinka isagoona meesha ka saaray dib u dhac mar kale ku yimaada doorashada oo haatan la iclaamiyay in 30-Noverber la doorto Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya.

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhanka kale tilmaamay in Ciidamada Dowladda Soomaiya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay u diyaar garoobeen Sugida amniga goobaha doorashoyinka ay ka dhacayaan.

“Dowladda Somaliya oo kaashanaysa Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee  Amisom waxa ay u diyaargarooben sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka, goobaha Doorashada iyo sidoo kale sidii ay uga jawaabi lahaayeen cid waliba oo isku dayeysa inay carqaladeyso Doorashada.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh.

PUNTLAND POST