Bangiga AMAL oo Gaalkacayo ku qabtay munaasabad uu ku shaaciyey adeegyo cusub

Bangiga amal ayaa ku qabtay magaalada galkacayo munaasabad uu ku daahfuraayay adeega online banking oo ah adeeg casriga oo bankigu ku soo kurdhiyay adeegyadiisa.

munaasabadaan oo ay daadihinaayen masuuliyiinta ugu sareysa Bangiga Amal ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada sida Ganacsatada, Odayaasha, dhalinyarada, aqoonyahano iyo waliba dumarka.Maamulaha guud ee Bangiga Amal mudane Siciid Cali Shire oo madasha ka hadlay ayaa u mahadceliyay bulshada reer Gaalkacayo, tilmamayna in Bangiga Amal himmiladiisu tahay hormarka bulshada , sharafna u tahay Bangiga amal inuu 18 sano uu bulshada soomaaliyeed u adeegaayay, ugana barteen Amaano iyo adeeg u hufan, maantana uu usoo bandhigay adeegyo casri ah oo kaalin weyn ka qaadan kara hormarka qofka, qoyska iyo guud ahaan bulshada.

Dhanka kale waxaa madasha ka hadlay maamulaha bangiga Amal faraciisa Gaalkacayo sheekh Cabdishakuur qureex, oo aad ugu dheeraaday in bangiga amal ay ka go'antahay siduu uga qeybqaadan lahaa hormarka bulshada soomaaliyeed, ayna sharaf u tahay inuu u adeego macaamiishiisa qaaliga ah.
Daahfurkaan ayaa ku soo beegmay xili uu bangiga amal uu sameeyay cilmi baaris iyo daraasaddo badan, kuna sameeyay dhinacyada iyo waxyaalaha ay adduunka bulshooyinku ku hormaraan, waxaana ka mid ahaa natiijooyinkii ka soo baxay daraasadahaas:

1- Bulsho hormarkeed wuxuu ku xiran yahay inta nidaamka maaliyadeed ee bulshadaasi hormarsan yahay uuna la jaanqaadi karo nidaamyada maaliyadeed ee bulshooyinka horumaray isticmaalaan.
Bangiga Amal isagoo aragtidaas ka duulaaya ayuu bulshada soo bandhigay, adeegyadii ugu dameeyay ee bangiyada waaweyne caalamku isticmaalaan sida adeega online Banking, waa adeeg kuu sahlaaya wadan kasta inaad wax ka soo iibsan karto, lacag u xawili kartid, lagaaga soo xawili karo, akoonkaaga aad lacaga kuugu jirta aad kala bixi karto, dhaqdhaqaaqa koontaadaada aad la socon kartid, dhamaan adeegyadaas waxaa heli kartaa adigoo gurigaaga jooga oo isticmaalaaya adeega online Banking.

2- Inay tahay bulshadaasi tahay mid wax keydsata, oo dhaqanka wax keydsigu yahay mid ku baahay dhamaan qeybaha bulshadaas.
Haddaba, Bangiga Amal isagoo aragtidaas ka duulaaya ayuu dhabarka u ritay inuu bulshada soomaaliyeed usoo bandhigo adeegyo ka jawaabaaya baahidooda nololeed heer walba hakaga jireen.

Tusaalahaan, qofka raba inuu xajj iyo cimro aado, bangigu wuxuu u diyaariyay Akoon xajka iyo cimrada, qofka raba inu cilmihiisu waxbarasho iyo jaamacado fiican helaan, bangigu wuxuu u hayaa akoonka waxbarashada, marwadii rabta inay nafteeda hormariso, bangigu wuxuu u hayaa akoonka marwo, adeegyadaan iyo kuwa la midka ah ba waa adeegyo baraaya qofka dhanqanka keydka iyo in wax la keydsato.

3- Inuu yahay nidaamka maaliyadeed mid waafaqsan dhaqanka iyo diintooda. Alle mahadiis, Bangiga Amal wuxuu ku guuleystay inuu saldhig uga dhigo dhamaan adeegyadiisa inay waafaqsanyihiin shareecada islaamka, Bangiga Amal wuxuu leeyahay golaha latalinta bangiga dhanka shareecada, oo uu hormuud ka yahay Dr Axmed Jamaac Ismaacil Mire oo lagu tilmaami karo inuu yahay culimada soomaaliyeed ee maanta joogta sheekha ugu aqoonta badan dhanka bangiyada islaamka iyo mucaamalaadka ay bixiyaan.

4- In bangiyada iyo nidaamka maaliyadeed ee bulshadaas ganacanta ku hayaan dad aqoon, xirfad iyo waayo aragnimo u leh shaqaday hayaan. Si taas loo helo, Bangiga Amal wuxuu si joogta ah uu tababar u siiyaan shaqaalaha heer kasta haka joogeen bangiga.

5- Inta ay gaarsiisan tahay aqoonta ay bulshadaasi u leedahay isticmaalka bangiyada.

ugu Danbaytii Bangiga Amal isagoo aragtidaas ka dabqaadanaaya ayaa wuxuu soo qaban qaabiyo kulan cilmiyeed uu ku qabtay Masjidk weyn ee Ramadaan Magaalada Gaalkacayo, kulankan oo ay ka soo qeybgaleen culimo waaweyn oo bulshada baraaya nidaamka maaliyadeed ee islaamka, kulan cilmiyeedkan wuxuu ka mid yahay kulamo, tababaro iyo latalin uu bangiga Amal uu waday muddadaan loogana golleyahay in kor loogu qaadaado aqoonta iyo isticmaalkanidaamka bangiyada.

img_7590

img_7595

img_7477
PUNTLAND POST