Puntland oo maanta sagootisay ardey deeq waxbarasho ka heshay dalka Sudan

Garowe (Puntland Post):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Dowlada Puntland ayaa galabta sagootisay 14 arday oo deeq waxbarasho ka heshay dalka Suudaan, waxaana kasoo qeyb galay madasha lagu sagootiyay Ardeyda Masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada,Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Puntland iyo Gudoomiyaha Dallada Waxbarashada.

Agaasimaha Xafiiska Imtixaanaadka Puntland Axmed Maxamuud Warsame ayaa sheegay in waxbarashadu tahay hanti Islamarkaana qofkii ku dadaala uu helayo miraha iyo natiijada uu usoo halgamay , Isagoona uga digay ardeyda inaysan ku fakarin tahriib iyo waxyaabaha mukhaadaraadka ah.

Axmed Saahid ayaa sheegay inuu uga mahadcelinayo ardeyda galabta loo sagootiyay dalka Sudan waalidiintooda sidii ay ugu soo dadaaleen Islamarkaana ay ku abaalmarinayso Wasaaradda Waxbarashada Puntland deeq waxbarasho oo lacag la,aan ah.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa kula dardaarmay ardeyda inay ka faa,iideystaan fursadaan oo uu sheegay inay tahay mid dahabi ah oo aysan helin dadkoo oo dhan Wuxuuna kula balamay 14 ardey ee deeqda waxbarasho loogu diray dalka Sudan inay dalkooda wax usoo bartaan Islamarkaana la qabsadaan Jawi ahaan iyo Dhaqan ahaan-ba wadanka ay u socdaan.

dscn6160 dscn6162 dscn6163 dscn6167 dscn6171 dscn6172 dscn6176 dscn6178 dscn6180 dscn6181 dscn6182 dscn6184 dscn6185 dscn6187 dscn6190 dscn6192 dscn6193 dscn6195 dscn6197 dscn6199 dscn6203 dscn6204 dscn6207 dscn6208 dscn6209dscn6211 dscn6213 dscn6214 dscn6215 dscn6216 dscn6217 dscn6214 dscn6219 dscn6230 dscn6236 dscn6238Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST