Mareykanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo beeniyay in la dilay Askar ka tirsan Galmudug

Garowe (Puntland Post):- Dowladda Mareykanka ayaa beenisay  in lagu dilay askar ka tirsan ciidanka Galmudug weerar cirka ah oo ay ka fulisay duleedka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska ciidamada Marekanka ee Afrika.

Warbixinta waxaa lagu caddeeyay weerarka in lagu beegsaday dagaal-yahanno ka tirsan al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Jeexdin ee bariga gobolka Mudug.

Sidoo kale mar sii horeysay ayuu sheegey Afhayeen u hadlay waaxda gaashaandhigga Maraykanka, captain Jeff Davis in lagu  dilay sagaal ka mid ah dagaal-yahannada al-Shabab howl-galkii ka dhacay bariga Gobolka Mudug, wuxuuna maanta mar kale ku celiyay taliska Africa ee ciidamada Mareykanka inaysan ku dilin howl-galkaas ciidan ka tirsan maamulka Galmudug.

WARKA XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Madaxweynaha Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta dowlada ayaa tallaabo wanagsan u arka in la siyaadiyo duqeymaha iyo weerarrada lagu beegsanayo dagaallamayaasha al-Shabaab ee dagaalka kula jira dowladda.

cddWaxa uu sheegay Madaxweynuhu inay guulo ka gaareen weeraradii ay fuliyeen ciidamada kumaandoosta Soomaaliya oo gacan ka helaya saaxiibadooda uu ugu horeeyo Mareykanku.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay weeraradii dhacay maalmihii u danbeeyay in lagu dilay dagaalyahano muhiim u ah Alshabab, taas oo sabab u noqon karta inay daciifto awooda kooxdaas.

“Weerarrada ay qaadayaan ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo saaxibadda na caawiya,waxaa lugu dilay dagaal-yahanno badan oo al-Shabaab ah,”ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Hadalkan ayuu kusoo beegay Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya xilli toddobadkan dhowr weerar oo ay ka qayb-qaaten diyaaradaha dagaalka Marekanka laga fuliyay koonfurta iyo bartamaha dalka,waxaana weerarrada lagu sheegay in lagu beegsaday dagaal-yahanno al-Shabaab ah.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST