Jaamacadda Bosaso oo heshiis la saxiixday Urur waxbarasho Dalka Kuwait

Bosaso (Puntland Post):- Jaamacadda bosaso oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaala Puntland ayaa magaalada Bosaso kula saxiixatay heshiis waxbarasho Ururka horumarinta waxbarashada oo fadhigiisu yahay Dalka Kuweit .

Heshiiskan ayaa lagu sheegay inuu sahli doono fursado waxbarasho iyo ka qeyb qaadasho dhanka horumarinta waxbarashada Jaamacadaha ku yaala gudaha dalka Soomaaliya, waxaana goob joog u ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Dowlada Puntland Aamina Maxamad Cabdala oo kaalin muhiim ah ka qaadatay hirgalinta heshiiska.

Wasiir Aamina ayaa ku boorisay Ardayda inay ka faa,iideystaan fursadaan iyo heshiiska Bosaso University la gashay Ururka Horumarinta Waxbarashada ee dalka Kuwait.

Prof Cabdiweli Cabdirahmaan oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Bosaso oo saxiixay heshiiskan ayaa ku tilmaamay inuu yahay mid mira dhal ah , isagoona si gaar ah ugu mahadceliyay Cismaan Muuse Al-Jaamac oo ah masuulka u qaabilsan Jaamacadda Waxbarashada Carabta, Islamarkaana masuul ka ah Jaamacado badan oo ku yaala dalalka Carabta iyo Soomaaliya.

Cismaan Muse Al-Jamac ayaa si la mid ah uga mahadceliyay wuxuuna sheegey inay heli doonto Jaamacadda Bosaso waxbarasho dibada ah ,Wuxuuna sheegay inay ka faa,iideysteen 60 ardey fursadihii waxbarasho ee ay bixiyeen sanadkii horre.

1 3 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 17Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST