250 Arday cusub ah oo ku biiray Jaamacadda Bosaso

Garowe (Puntland Post):- Waxaa lagu soo gaba-gabeeyay Jaamacadda Bosaso University imtixaanka aqbalaada ardayda cusub ee sanad jaamacadeedka 2016-2017 kaas oo ay u fariistaeen ardaydii dhawaan kasoo qalin jabisay dugsiyada sare Soomaaliya gaar ahaan dugsiyada waxbarashadda sare ee Puntland.

Gudoomiyaha Jaamacada Bosaso Cabdiweli Cabdirahman Geyre ayaa soo xiray xafladii gunaanadka u ahayd imtixaanka aqbalaada Jaamacada ,Sidoo kalena lagu soo dhaweynayay ardayda cusub ee ku guulaysatay imtixaanka Jaamacadda Bosaso

Waxa uu sheegey inay gaarayaan ardeyda cusub ee Jaamacaddu qaadatay ilaa 250 Arday,wuxuuna ku dhiiri-galiyay inay sii wataan dadaalkoodii ay horey usoo wadeen .

Gudoomiyaha Jaamacadda Bosaso wuxuu sheegay inuu u rajaynayo ardeyda inay ku dhamaystaan Bosaso University Mustaqbal wanaagsan iyo Caafimaad qab.

Ugu danbeyntii Maamulka Jaamacadda Bosaso University ayaa si isku mid ah hambalyo iyo bogaadin ugu diray ardeyda cusub ee sanadkan kusoo biirtay Jaamacadda, waxayna kala yihiin xubnaha maamulka Jaamacadda ee hambalyada diray.

  1. Prof. Abdiweli Abdirahman Geyre. Gudomiyaha Jaamacadda
  2. Abdihakin Husein Osman. Maamulaha Faraca Citycot.
  3. Khalid Ahmed Diraac. Oprations and Finance.
  4. Mohamud Sh Mohamed Maamulaha Academiga
  5. Ahmed Mohamed Xasan. Maamulaha Regestration Jaamacadda.

Jaamacadda Bosaso ayaa ka mid ah Jaaamacadaha hormuudka ee xarumo waaweyn ku leh magaalooyinka Puntland, Iyadoona Jaamacadaha uga jirta kaalmaha ugu sareeya marka loo eego dhinaca maamulka iyo tayada waxbarasho ee dalka ka jirta , waxaana sanad walba ka qalin-jabiya boqolaal ardey ah oo badankood ka shaqeeya gudaha dalka.

7 6 5 4 3 2 1Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST