Xeer Ilaaliyaha qaranka “Guul bey kusoo dhamaatay Maxkamada Somalia iyo Kenya Qeybtii Hore”

Xeer ilaaliyaha qaranka Somalia Axmed Cali Daahir oo Maanta dib ugu Soo Laabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ayaa faah faahin ka bixiyay Natiijadii ka soo Baxday murankii Dhanka Badda ee u dhaxeeyay Dowladaha Somalia iyo kenya.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer-ilaaliyaha qaranka Somalia ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu horeeyn ugu mahad ciliyay Taageerada ay u muujiyeen Guddiga Somalia u matalayay Maxkmada Heague Waxaana uu sheegay in Dunida ay Soomaaliya ka yaabtay Sida ay ugu adagyihiin Baddooda.

Waxa uu Xeer-ilaaliyuhu Sheegay in guul ay ku Soo Dhamaatay Qeeybtii hore Ee Dacwada u Dhaxeeysa Kenya iyo Somalia isga oo Sheegay in Qeeybaha Dambana ay rajo weeyn qabaan.

Dhanka kale Xeer ilaaliyaha Qaranka Somalia ayaa ka hadlay Warar Soo baxayay oo Sheegayay in Maxkamad ku taala dalka Hindiya ay xukun ku riday 50 Muwaadin oo Soomaaliyed waxaana uu  Sheegay in Arintaasi ay tahay mid waxba kama jiraan ah.

Waxa uu Sheegay in dowlada India aanay Xaq u laheyn in ay Xukunkaasi ku rido Dhalinyaradaasi Soomaaliyeed waxaana uu ku baaqay in Dalkooda Dib loogu soo Ciliyo.

Hoos ka dhageyso Warbixin.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho