Wasaaradda Qorsheynta Puntland oo dejisay qorshe saddex sano ah

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka furmay magaalo madaxda Puntland ee Garowe Shir xog isweydaarsiya oo u dhaxeeya Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Hay,addaha Caalamiga ee fadhigoodu yahay deegaanada Puntland.

Shirkan oo ay kazoo qayb galeen Madax ka socota Hay,addaha UN-ka, Hay,addaha Caalamiga iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa diirada lagu saarayaa dib u eegis lagu samaynayo qorshaha Puntland kaas oo laga soo saarayo qorshe cusub oo saddex sano ah oo dhamaystiran.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Shire Xaaji Faarax oo daahfuray kulankan ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha ay wado wasaaradiisu, wuxuuna sheegay in horey Puntland u samaysay 5 sano oo qorshe ah taas oo hadda socota, Islamarkaana la diyaarshay qorshe saddex sano ah oo soconaya  2017 ilaa 2019.

Dr Shire Xaaji Faarax ayaa sheegey inuu qorshahani yahay mid dhab ah oo waaqiciya, ayna ka qeyb qaateen dhamaan hay,addaha Dowlada  Puntland , Iyadoona lagu sameeyay hab cilmi baaris ah  oo qeexaya sida looga faa,iideysanayo .

Sidoo kale waxaa ka hadlay kulanka masuuliyiin ka socota Hay,adda UNDP iyo WFP waxayna si aad ah u bogaadiyeen horumarka ay ku talaabsanayso Puntland oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid Soomaalida inteeda kale ay kaga dayatay.

dscn6058 dscn6056 dscn6053 dscn6051 dscn6041 dscn6036 dscn6030 dscn6028 dscn6022 dscn6021 dscn6019 dscn6018 dscn6016 dscn6015 dscn6012 dscn6011 dscn6010 dscn6008 dscn6004 dscn5990 dscn5984 dscn5981 dscn5979 dscn5972 dscn5971 dscn5969 dscn5966 dscn5964 dscn5963 dscn5961 dscn5959 dscn5958 dscn5954 dscn5953 dscn5950 dscn5948 dscn5944 dscn5947 dscn5943 dscn5942 dscn5941Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST