Sureer Abshir Muuse oo Garowe uga dhawaaqday Musharax Xildhibaan Soomaaliya

Musharax Sureer Abshir Hammaan
Musharax Sureer Abshir Hammaan

Garowe (Puntland Post):- Waxaa galinkii danbe ee maanta ka qabsoomay magaalada Garowe  xaflad lagu shaaciyay musharaxnimada Sureer Abshir Muuse oo horey Dowladii dhexe ee Siyaad Barre kasoo noqotay Safiir u fadhiya dalka Ingiriiska, Waxayna maanta si rasmiya ugu dhawaaqday Ambasador Sureer Abshir Hamaan inay u sharaxan tahay xubin aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya sanadka 2016-ka.

Kulan Sureer Abshir ku shaacinayso musharaxnimadeeda ayaa waxaa kasoo qayb-galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland,Xubno baarlamaan ah oo ka socday Dowladda Federalka,Wasiirka Haweenka Puntland,Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliya,Odayaal dhaqameed, Haween, Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Marti sharaf kale.

Sureer  Abshir Muuse oo u taagan aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya waxay soo bandhigtay taariikh nololeedkeeda,waxqabadkeeda iyo waxyaabaha ay dalka u qaban doonto hadii ay ku guulaysato kursiga baarlamaanka Soomaaliya.

Sureer  ayaa wax kusoo baratay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska,waxayna baratay culuumta cilmiga bulshada iyo xiriirka caalamiga ah,Iyadoona ku hadasha luuqadaha kala ah Afsoomaali,English,Talyaaniga iyo Faransiis.

Sanadkii 1986-dii waxay noqotay safiir kuxigeenkii Soomaaliya ee London,waxayna gacan ka geysatay hirgalintii dugsiga sare ee Degmada Eyl ee Gcbolka Nugaal iyo   barnaamijyo kale oo dalka lagu hormarinayo, waana musharax haatan u taagan inay ka mid noqoto aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Daawo muuqaal Khudbada Musharax Sureer Abshir

Xildhibaan Liibaan Cabdulaahi oo kamid ah baarlamaanka Puntland ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo musharaxnimada Sureer Abshir Muuse waxaana uu intaa raaciyey inay tahay qof u qalanta inay Puntland u matasho aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka horumarinta Haweenka iyo arimaha qoyska Puntland Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin oo kulanka ka hadashay ayaa hambalyo u dirtay Sureer Abshir Muuse, waxayna sheegtay inay Wasaaradeedu mar walba garab taagan tahay haweenka u tartamaya aqalka Baarlamaanka Soomaaliya, Iyadoona sheegtay Sureer inay kasoo bixi karto xilka ay u sharaxan tahay.

Daawo Sawirro.

dscn6063 dscn6064 dscn6065 dscn6066 dscn6067 dscn6068 dscn6069 dscn6070 dscn6071 dscn6072 dscn6073 dscn6074 dscn6075 dscn6076 dscn6078 dscn6079 dscn6080 dscn6081 dscn6082 dscn6083 dscn6085 dscn6089 dscn6090 dscn6091 dscn6092 dscn6093 dscn6094 dscn6095 dscn6116 dscn6119 dscn6124 dscn6126 dscn6127 dscn6129 dscn6131 dscn6132 dscn6134 dscn6137 dscn6139 dscn6141 dscn6143 dscn6144 dscn6147 dscn6149 dscn6151 dscn6154 dscn6155 dscn6077 dscn6096 dscn6097 dscn6099 dscn6100 dscn6101 dscn6103 dscn6104 dscn6105 dscn6107 dscn6108 dscn6110 dscn6111 dscn6112Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST