Natiijooyinkii kulamadii Champions League

Xalay waxaa  garoomada Yurub laga ciyaaray kulamo aad u xiiso badan oo ka tirsan kulamada labaad ee koobka Champions League,  waxaana kulamadii  dhacay ahaayeen Group A , Group B, Group C, Group D

Arsenal 2-0 Basel

Arsenal ayaa guul raaxo leh Emirates Stadium kaga gaadhay kooxda FC Basel iyada oo Arsenal ay guushan xaqiijisay qaybtii hore ee kulankan.

Theo Walcott ayaa kulankan noqday xidiga lugtiisa ay Gunners ku faa’iiday isaga oo dhaliyay labada gool ay kooxda Arsene Wenger ku garaacday Basel.

Group A

1: Paris Saint Germain   = 4

2: Arsenal                           =4

3: Ludogorets Razgrad    = 1

4: Basel                                =1

Napoli 4-2 Benfica

Kooxda Talyaaniga ee Napoli ayaa ku dhalisay seddex gool sideed daqiiqo qeybtii labaad ee ciyaarta, Dries Mertens ayaa laba kamid ah dhaliyay halka weeraryahanka Milk uu raacsaday kan kale.

Group B

1: SSC Napoli 6

2: Besiktas   2

3: Dynamo Kyiv  1

4: Benfica 1

 

Celtic 3 – 3 Manchester City

Kooxda Celtic ayaa soo gabagabaysay rekoodhkii guulaha boqolkiiba boqolka ahaa ee kooxda Guardiola ee Manchester City kadib markii kooxda ree Scotland saddex jeer goolal kala hormartay Manchester City balse Sky Blues ayaa awooday in ay hal dhibic soo badbaadsatay isla markaana ay ka guuldaradii ugu horaysay ee Guardiola ku soo gaadhi lahayd Man City ay iska ilaalisay.

Da’yarka sida wayn loo qiimeeyo ee Moussa Dembélé ayaa Manchester City dhibaato wayn ku abuuray isaga oo kulankan ka dhaliyay laba gool.

Raheem Sterling ayaa kulankan laba gool ka dhaliyay balse mid ka mid ah waxa uu ku booqday shabaqa kooxdiisa halka Fernandinho iyo Nolito ay kala dhaliyeen labada gool ee kale. Wuxuuna kulankan ku dhamaaday babraro 3:3.

Borussia Moenchengladbach 1-2 Barcelona

Barcelona ayaa guul soo laabasho ah ka soo gaadhay kooxda ree Germany ee Borussia M’Glabach kadib markii qaybtii hore ee kulankan kooxda Luis Enrique gool looga hormaray laakiin qaybtii danbe ee kulankan ayay Balaugrana awooday in ay natiijada dhinaca kale udhigto si ay u gaadho guusheedii labaad ee Champions Leaque-ga.

laba gool oo ay kala dhaliyeen Arda Turan iyo Gerard Pique ayaa Barcelona ugu filnaaday in ay guul ku gaadho waxayna Barcelona groupkeeda ku hogaaminaysaa 6 dhibcood, Man City ayaa 4 dhibcood kaalinta labad ugu jirta halka kaalinta saddexaad ay Celtic hal ku dhibic ugu fadhido laakiin M’Glabach ayaan wali wax dhibco ah lahayn.

Group C

1: Barcelona =6

2: Manchester City =  4

3: Celtic                      =1

4: Borussia Moenchengladbach = 0

 

Atletico Madrid 1-0 Bayern Munich

Kooxda Atletico Madrid ayaa guul muhiim ah garoonkeeda kaga gaadhay kooxda Bayern Munich kulan ka tirsanaa wareega labaad ee heerka Groupyada Champions Leaque-ga. Atletico Madrid oo xili ciyaareedkii hore Bayern Munich Champions Leaque-ga kaga soo reebtay afar dhamadka ayaa markale guuldaro kale dhabarka u saartay Bavaria iyada oo gool ka dhaliya ee ay kooxda Simeone guushan ku gaadhay uu dhaliyay Yannick Carrasco .

Group D

1: Atletico Madrid = 6

2: Bayern Munich =  3

3: PSV Eindhoven = 1

4: PSV Eindhoven = 1

 

PUNTLAND POST