Maraykanka oo sheegay inay ku dileen weerarkii Gaalkacyo 9 ka mid ah Al-shabaab

Dawlada Maraykanka ayaa ka hadashay weerarkii ka dhacay meel dhanka Bari kaga beegan Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobalka Mudug, laguna bartilmaameed saday maleeshiyaad halkaas ku sugnaa.

Afhayeen u hadlay Wasaarada gaashandhiga Maraykanka ee loyaqaan Pentagon oo laguĀ  magacaabo Captain Jeff Davis ayaa sheegay inay Maraykanku fuliyeen weerar ay ku bartilmaameedsadeen koox katirsan Al-shabaab kadib markii ay weerar ku qaadeen Ciidamo Soomaaliyeed si ay uga hortagaan kooxdaas oo abaabulaysay qaraxyo iyo weeraro isku xiran.

Afhayeenkan ayaa sheegay inay weerarkaas cirka ku dileen 9 kamida Al-shabaab, wuxuuse sheegay inay eegi doonaan warka sheegaya inay sidoo kale halkaas ku dhinteen Dad aan k atirsanayn kooxda Al-shabaab, ” Waan eegi doonaa, waxaana ku samayn doonaa Baaritaan hadii uu macaquul yahay warka sheegaya in Dadkii geeriyooday ay ku jireen Dad aan ahayn Al-shabaab” ayuu yiri Captain Jeff Davis.

Riix halkan si aad uga akhriso Warka kasoo baxay Mareykanka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in weerarkaas lagu laayey askar katirsan ciidamada Maamulkooda oo saldhig ku lahaa goobta la weeraray, waxaana Koonfurta Gaalkacayo ka dhacay mudaharaad lagu gubay Calanka Maraykanka iyo Sawirka Madaxweyne Obama.

Dhanka kale inkastoo uusan jirin war si rasmi ah uga soo baxay Puntland oo lagu faah-faahiyey dhacdadan iyo eeda uga timi Galmudug, hadana C/naasir Badel Khalaf oo ah isu-duwaha Wasaarada warfaafinta ee Gobalka Mudug oo si madax banaan uga hadlay dhacdadan ayaa sheegay inay Ciidamada Puntland burburiyeen masleeshiyaad xag jira oo isku urursanaayey Bariga Gaalkacayo, qorshaynaayeyna weeraro ay ka geystaan Magaalada Gaalkacayo.

PUNTLAND POST