Puntland iyo Galmudug oo siyaabo kala duwan uga hadlay hawlgalkii Bariga Gaalkacayo

Gaalkacayo(Puntland Post)-Kadib hawlgalkii ay xalay Ciidamada sida gaarka u tababaran ee Dawlada Puntland ka sameeyeen Bariga Magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa soo baxaaya warar dheerada oo la xiriira khasaarihii ka dhashay weerarkaas oo iskugu jiray mid nafeed iyo gadiid.

Ilo madax banaan ayaa warbaahinta Puntland Post u xaqiijiyey inay hawlgalkaas ku naf waayeen ugu yaraan 20 kamid ah kooxihii ay bartilmaameedsadeen Ciidamada PSF kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen Al-shabaab si dhuumaalaysi ah usoo galay degaankaas, qorshaynaayeyna inay weerar abaabulan ku qaadaan fariisin ay Ciidamada Puntland ku leeyihiin degaan lagu magacaabo Godod, sidoo kale waxaa lagu gubay halkaas gaadiid dagaal oo ay kooxda hubaysan wadatay.

Masuul u hadlay Maamul Gobaleedka Galmudug oo lagu magacaabo C/raxmaan Maxamed Axmed ayaa warbaahita u sheegay in degaankaas ay weerar ku qaaday diyaarad ay leeyihiin Ciidamada Maraykanku halkaasna ku dileen 10 kamida Ciidamada Maamulka Galmudug, gaadiidna ka gubeen, wuxuuna beeniyey warka sheegaaya inay ciidamadaasi daacad u ahaayeen Al-shabaab.

Dhanka kale Isu-duwaha Wasaarada Warfaafinta Puntland ee Gobalka Mudug C/naasir Badel Khalaf oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyey hawlgalkan ay sameeyeen Ciidamada Puntland, wuxuuna tilmaamay inay Ciidamada sida gaarka u tababaran ee PSF inay cagta mariyeen wax uu ugu yeeray Argagixiso isku urursanaysay degaano katirsan Gobalka Mudug, isla markaana doonaayey inay weerar gaadmo ah kusoo qaadaan degaano ay kamid tahay Magaalada Gaalkacayo.

Ma jiro war madax banaan oo xaqiijin kara inay hawlgalkan ay qayb ka ahaayeen diyaarado dagaal oo duqaymo u geystay Maleeshiyaadka la bartilmaameedsaday.

Kooxda Al-shabaab illaa iminka kama aysan hadlin weerarkan ay fuliyeen Ciidamada Puntland ee loyaqaan PSF, waxayse arintani kusoo aadaysa xili ay Kooxda Al-shabaab weeraro iskugu jira qaraxyo iyo dilal qorshaysan ka fulisay Gaalkacayo,

PUNTLAND POST