Madaxweynaha Puntland oo la kulmay madaxa mashruuca dhismaha Jaamacadda Maakhir.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28 September, 2016 xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Mashruuca dhismaha Jaamacadda Maakhir  Eng. Majdi Abu Rixaab iyo xubno ka tirsan shirkadda CEC oo ah shirkadda qaadatay Mashruuca dhismaha Jaamacadda.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Dr. Abshir Aw Yuusuf Ciise iyo Wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah Dr. Shire Xaaji Faarax.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Muuqaallo iyo warbixino ku saabsan halka uu marayo mashruucii ballaarnaa ee ay dawladda aynu walaalaha nahay ee Kuwait  ugu deeqday Puntland, kaas oo la filayo in uu wax weyn ka beddeli doono tayada waxbarashada Puntland.

Axmed Siciid Faarax oo ah maamule ku-xigeenka mashruuca ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey halka uu marayo mashruucaasi, isagoona sheegay in mashruucu uu marayo heer geba-gebo ah isla markaana la qorshaynayo in lasoo afmeero dabayaaqada sannadkaan.

Sidoo kale maamule ku-xigeenka mashruuca Axmed Siciid Faarax waxa uu tilmaamay in ay Jaamacaddu ka koobnaan doonto saddex kulliyadood oo waaweyn oo  u dhisan qaab casri ah, Masaajid, Maktabad, qaybta Lap-ka ama shay-baarka, waddoonyin dhex-mari doona Jaamacadda iyo dhismeyaal kale oo ay ku jiraan xafiisyada Maamulka, Hoolasha shirarka iyo Guryaha Martida.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa Maamulaha Mashruuca weydiiyey su’aalo la xiriira habsami u-socodka shaqada mashruuca, rajada lagu qabi karo in mashruucu uu kusoo dhammaystirmi doono muddada ay qabsadeen iyo caqabadaha jira, iyadoona uu maamuluhu si faah-faahsan sharraxaad dheeraad ah ugaga bixiyey Madaxweynaha dhammaan weydiimahaasi.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay maamulaha Mashruuca in ay dar-dar geliyaan shaqadaasi muhimka u ah shacabka Puntland isla markaana Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay dawladdu si dhow ula socon doonto qaabka ay u socoto shaqadu si looga dhabeeyo himilada shacabka Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
img_8312 img_8313 img_8314 img_8315 img_8317 img_8321 img_8322 img_8324 img_8326 img_8327 img_8329 img_8333 img_8334 img_8335 img_8337 img_8343