Faah-faahin weerar ay ka qayb-qaateen diyaaraddo iyo ciidanka Puntland duleedka Gaalkacyo

ciidamada-hawlgalka-psf-740x408Howlgalkii ugu horreeyay oo diyaaraddo ay ka qayb-qaateen ayaa ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug xilli dambe oo xalay ah,sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan maamulka degmada.

Waxaa kalo duqeynta waheliyay weerar toos ah oo ay fuliyeen ciidamada PSF-ta oo ka mid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland,waxaana la sheegay weerarka in lugu beegsaday koox ka tirsan ururka al-Shabaab oo duleedka Gaalkacyo isku aruursadey.

Duqeynta iyo weerarka tooska ah ee la socday,waxaa la sheegay inay ku dhinteen tiro ka mid ah kooxda al-Shabaab oo ku sugneyd duleedka Gaalkacyo,laakin wali lama xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee weerarka ka dhashay.

“Weerarka waxaa lagu toogtay xubno ka mid ah al-Shabaab oo bariga Gaalkacyo isku abaabulayay,”ayuu yiri Isu duwaha wasaaradda warfaafinta Puntland u qaabilsan gobalka Mudug, Cabdinaasir Badal Khalaf.

Khalaf waxuu sheegay in laga hortagay weerarro ay qorsheynayeen kooxda al-Shabaab ka tirsan ee duleedka Gaalkacyo ku sugneyd,marka waxuu xaqiijiyay ciidamada gaarka ah ee Puntland ee PSF-ta weerarka inay fuliyeen iyo diyaaraddo kaabayay.

Intaas waxa uu ku darey in dagaalka uu bilowday labadii habeeno,waxaana la soo afjaray toddobadii subaxnimo ee saacada magaalada Gaalkacyo,sida uu sheegay Isu duwaha wasaaradda warfaafinta Puntland u qaabilsan gobalka Mudug.

Cabdinaasir ayaa sheegay kooxda al-Shabaab ee weerarka lugu qaaday inay wateen shan gaari oo nooca dagaalka ah iyo sagaal gaari oo isugu jira kuwa xamuulka iyo raaxada ah oo ay la socdeen saraakiisha al-Shabaab,waxaana uu in intaa raaciyay in muddo ah xogtooda la hayey.

“Maleeshiyaadka la weerarray tiro ahaan labo boqol ayay gaarayaan -waxay ku sugnaayeen markii hore xaafadda Wadajir ee koonfurta Gaalkacyo,way isaga soo baxeen weerarka markay ka warheleen,” ayuu yiri Cabdinaasir Badal Khalaf oo u warramayay idaacadda Raadiyow Garoowe.

Puntland waxaay gacanta ku dhigtay gaadiid kuwa dagaalka ah iyo hub,sida uu sheegay isu duwaha wasaaradda warfaafinta Puntland ee gobolka Mudug oo sidoo kale beeniyay weerarka dad shacab ah inay wax ku noqdeen.

Halkan ka dhagayso Cabdinaasir Bedel Khalaf.

Daawo sawiradda.

2-10 15-3-1 14-4-1 12-6 4-9 5-8 6-7 16-2 7-5 11-6 3-10Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST