Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliyeed oo sheegay in heshiiskii MOU 2009 uu badbaadiyey Badda Soomaaliya

Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaaliyeed Dr Axmed Cali Daahir oo goob joog ka ahaa dhagaysiga maxkamada Cadaalada Aduunka muranka Badda u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa faah-faahiyey heshiiskii MOU ee xukuumadii Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake la sixiixatay Kenya sanadkii 2009.

Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa sheegay inay Dadweynaha Soomaaliyeed si qaldan u fasirteen heshiiskaas oo ahaa mid khatar ka badbaadiyey Badda Soomaaliyeed, mudana ayuu yiri in lagu abaal mariyo madaxdii saxiixday.

Dr Axmed Cali Daahir waxaa uu tilmaamay inaysan ujeedadii heshiiskan ahayn in Badda Soomaaliya la siiyo Dal kale, balse ay ahayd in laga hadlo Badda Soomaaliyeed oo ay xiligaa Kenya qayb kamida Badeeda ku darsatay, ayna ku saxnayd Xukuumadu inay xiligaa saxiixdo heshiiskaas oo muhiim u ahaa Soomaaliya.

Daawo hadalka xeer ilaaliyaha oo faah-faahsan