Raali galin Been laga faafshay Sureer Abshir Hamaan

Puntland Post waxay raali galin ka bixinaysaa war been abuur ah oo saxaafaddu ka qortay Ambasador Sureer Abshir Muuse Hamaan , kaas oo lagu sheegey in Madaxweynaha Puntland u magacaabay safiir u fadhiya Dowlada Puntland dalka Ethiopia.

Sureer Abshir Hamaan oo mudooyinkan danbe ku sugnayd magaalada Garowe ayaa ka mid ahayd haweenka u sharaxan inay ka mid noqdaan baarlamanka dowlada Soomaaliya.

Waxaana war lagu faafiyay subaxnimadii hore ee maanta warbaahinta lagu sheegey in Madaxweynaha Puntland u magacowday safiir u fadhiya dalka Ethiopia.

Sidaas darteed waxaanu raali galin ka bixinaynaa been abuurka laga faafshay Marwo Sureer Abshir Muuse Hamaan

PUNTLAND POST