Musharax Cali Xaaji Warsame oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe

Garowe (Puntland Post):- Cali Xaaji Warsme oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garowe, waxaana ka qeybgalay soo dhaweyntiisa qeybaha Bulshada Garowe ,waxaana looga hortagay Airporka Konoco oo Garowe u jira 40 KM.

Soo dhaweyn ka dib Dr  Cali Xaaji Warsame ayaa shacabka reer Puntland uga warbixiyay safaradii uu ku tagay qeybo ka mid ah Gobollada Soomaaliya iyo Xaalada siyaasadeed ee haatan dalku ku sugan yahay.

Waxa uu sheegey Musharax Cali Xaaji Warsame in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad u baahi qaba inay helaan hogaamiye daacad iyo cadaalad ah si looga dulqaado hogamiyayaasha aan jeebkooda ka weynayn.

“Waxaan maanta isku amaani karaa anigoo aan is faanibayn inaan u shaqeeyay si daacad oo jeebkiisa ka weyn, meeshii aan tagay wax ka qabtay, iyadoo ka fiicana uga tagay. Waxaan is leeyahay 2016 Soomaaliya wax weyn ayaad kusoo kordihin kartaa,” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.

Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh inuu  khasaariyay  afar sano oo dalka Soomaaliya looga saari karay culaysyada, sidaas darteedna aanu mudnayn in lagu aamino afar sano oo dambe.

“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inaan Afar sano oo dambe ka dhuminin, waxay doonaysaa dowlad awood leh oo isla shaqeynaysa, Soomaaliya ma doonayso ninka guulaysta ayaa wax kasta leh, Soomaaliya waxay u baahan tahay caasimada Soomaaliyeed inay ahaato meel ummadda u dhexeysa,” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.

dscn5523 dscn5528 dscn5529 dscn5524 dscn5530 dscn5525 dscn5536 dscn5537 dscn5543 dscn5546 dscn5547 dscn5548 dscn5549 dscn5556 dscn5582 dscn5602 dscn5603 dscn5607 dscn5609 dscn5612 dscn5624 dscn5635 dscn5637 dscn5649 dscn5653 dscn5669 dscn5671 dscn5674 dscn5689 dscn5645 dscn5655Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST