Haweenay jirta 25- oo Madax ka noqotay magaalo ku taal dalka Nigeria

Haweeney dadeedu ay tahay 25 jir ah ayaa loo magacaabay madaxa maamul maxali ah oo ku yaala gobol muslimiintu u badan yihiin oo ku yaala woqooyiga Nigeria.

Hindatu Umar ayaa noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee dumar ah, isla markaana ugu da’ yar oo xil ka qabta magaalada Argungu oo ku taala gobolka woqooyi galbeed ee Kebbi.

Weriyaha BBC-da ee dalka Nigeria Cabdullahi Kaura ayaa sheegaya in magacaabidda gabadhani xilkaasi loo magacaabay uu yahay mid la yaab leh.

Dadka deegaanka ayaa qaarkood ayaa waxa ay cabasho ka muujiyeen arrintan waxa ayna BBCay sheegtay in aysan haweenadan ay san lahan wax khibrad ah dhanka hogaanka xilka loo magacaabay.

Hindatu ayaa horey u ahayd guddoomiye ku xigeen, waxaana hadda loo dalacsiiyay jagada guddoomiyaha kaddib markii mas’uulikii xilkaa hayay uu wakhtigiisii dhamaaday.

Sida uu sheegaya weriyaha BBC-da ee dalkaasi, dumarka ku nool woqooyiga Nigeria inta badan ma ahan kuwo xil loo dhiibo.

 

Xigasho BBSomali

 

CABDIQANI BOOS

PUNTLAND POST