Godobjiraan oo walaac ka muujisay go,aan kasoo baxay Wasaaradda kaluumaysiga Puntland

Godobjiraan (Puntland Post):- Waxaa maanta ku kulmay magaalada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal Maamulka Degmada iyo Iskaashatada Badda Degmadaas, ka dib markii dhawaan ay soo saartay Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland warbixin ku saabsan in la hakiyo muddo ka shaqeynta badda.

Kulanka Iskaashatada badda ee Degmada Godobjiraan la yeesheen maamulka degmadaas ayaa looga hadlay cabasho Iskaashatadu ka muujisay warbixinta kazoo baxday wasaaradda kaluumaysiga Puntland, waxaana ka mid ahaa arrimihii laga wada hadlay.

  1. Inaysan Iskaashatadu sanadkan shaqada badda joojin karin sababo jira awgood ayna ka mid yihiin abaaro aad u ba,an oo ka jiray muddo saddex sano ah degmada iyo deegaanka balaaran ee hoostaga
  2. Beec la,aan soo food saartay xoolihii oo muddo sanad iyo bar ah wax carafo ah oo wax la iibsaday aysan jirin.
  3. Dadka degmada degan iyo deegaanka hoosyimaada oo dhamaantood noloshoodu ku xiran tahay ka shaqeysiga badda.
  4. Dadkii reer xeebeedka ahaa oo shaqo ka tagay ka hor intii aysan soo bixin Warbixinta Wasaaradda Kaluumaysiga Puntland.
  5. Iyadoo 80% bulshada ku nool Godobjiraan ay u shaqo tagaan badda, islamarkaana aysan jirin shaqo abuur kale iyo xirfad kale oo ay ku tiirsan yihiin
  6. Baddii aan ka xirnayn xeebaha kale ee Puntland oo aysan suurto gal ahayn in laga xiro degmada Godobjiraan.

img-20160924-wa0000 img-20160924-wa0002 img-20160924-wa0003 img-20160924-wa00061 img-20160924-wa0008 img-20160924-wa00091 img-20160924-wa00111 img-20160924-wa0012 img-20160924-wa0013 img-20160924-wa0014 img-20160924-wa0015 img-20160924-wa0016 img-20160924-wa0017 img-20160924-wa0019Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST