Farmaajo oo Muqdisho ku Soo Wajahan

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ahna musharax u taaqan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia ayaa lagu wadaa in uu soo Gaaro Magaalada Muqdisho.

Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo musharaxa ayaa laga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Mudane Farmaajo ayaa waxaa la aaminsanyahay in uu kamid yahay musharixiinta ugu cad cad ee xilka madaxtinimo ee Somalia.

Horay Waxaa Muqdisho u yimid Sh.Shariif Sh.Axmed Madaxweynihii hore ee Somalia oo isna ah musharax madaxweyne .

Waxaa lagu wadaa in sidoo kale ay Muqdisho soo gaaraan Musharixiin kale oo u tartameeysa xilka madaxtinimo Ee Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho