Afar haween ah oo lagu dilay dalka Maraykanka

Afar ruux oo haween ah ayaa lagu dilay weerar toogasho ah oo ka dhacay goob laga dukaameysto oo ku taal Burlington oo ka tirsan Gobolka Washington ee dalka Maraykanka sida ay xaqiijiyeen Booliiska dalkaasi.

Weerarka ayaa waxaa gaystay nin hubaysan, kaas oo Boolisku aysan wali  gacanta ku soo dhigin waxayna baahiyeen Sawiradiisa oo laga dhex helay Kaamiradii ku xirnayd xarunta weerarka uu ka dhacay oo lagu magacaabo Cascade Mall.

Dad dhaawac uu ka soo gaaray weerarkaasi ayaa loo qaaday goobaha Caafimaadka, halkaasi oo lagu dabiibayo.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa maalmo kadib markii wiil la sheegay in uu ahaa  Soomaali uu Tooray ku weeraray dad ka dukaamaysanayay suuq ku yaal Magaalada St. Cloud ee dalka Maraykanka oo ay Sagaal qof ku dhaawac matay.

PUNTLAND POST