Wasiirka Caafimaadka Puntland oo ka hadlay isbitaal laga dhisayo Garowe

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cismaan Ciise (Cuuke) ayaa ka hadlay isbitaal hooyadda iyo dhalaanka oo ay sheegeen Gabdho kazoo jeeda Gobolka Nugaal inay ka dhisi doonaan magaalada Garowe, Wuxuuna sheegay wasiirku inay wasaaradiisu soo dhaweynayso cid kasta oo wax qabanaysa , Islamarkaana dalku leeyahay nidaam muujinaya wasaarad ama cid ay qusayso wax walba oo la qabanayo Sidaas darteedna looga baahan yahay qofkii wax qabanaya in uusan gees marin ciday qusayso wuxuu soo kordhinayo.

Wuxuu sheegey Dr Cabdinaasir Cuuke inay horey usoo gaarsiiyeen gabdhaha kazoo jeeda Nugaal qorshaha ay ku doonayaan inay isbitaal cusub uga dhisaan mid ka mid ah xaafadaha Garowe, balse buu yiri ay gees mareen siday Wasaaradda Caafimaadka Puntland ugu warbixisay .

Wasiirka ayaa intaas ku daray inuu ka bilaaban doono sanadka soo socda Isbitaalka guud ee magaalada Garowe mashruuc wayn oo ay ku deeqday Dowlada Jarmalka, Islamarkaana la filayo inuu noqdo Isbitaal ay u dhamaystiran yihiin dhamaan takhasuskiisii, Halka uu sidaasi si la mid ah sheegey in Gaalkacyo laga dhisi doono isbitaal wayn .

Dr Cuuke ayaa faahfaahin ka baxshay baaxada culayska uu leeyahay in la dhiso Isbitaal , wuxuuna sheegey inay uga warbixiyeen qaar ka mid ah gabdhaha doonaya inay isbitaal ka dhisaan Garowe  , Islamarkaana ay  su,aaleen gabdhaha waxa ay dhisayaan inuu isbitaal yahay iyo inuu MCH- yahay,  balse ay ku guuldareysteen inay jawaab ka siiyaan.

Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa sheegey in saddex goobood oo loogu tala-galay hooyada iyo dhalaanka ku yaalaan Xaafadda Waaberi , Wuxuuna faray gabdhaha Nugaal haddii ay rabaan inay dhisaan goob caafimaad in looga baahan yanhay inay ka dhisaan Galbeedka magaalada oo uu sheegey Dr Cabdinaasir in aanu jirin bar caafimaad oo ku taala, Islamarkaana marba marka ka danbeysa magaaladu usii fidayso.

Daawo Hadalka Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST