7 qof oo ku dhimatay Dagaal ka dhacay Gedo

Dagaal u dhaxeeya Alshabab iyo Ciidamada Dowlada Federalka Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa maanta ka dhacay  tuulo u dhow magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo , Waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh .

Inta la ogyahay 7 ruux iyo dhaawaca ilaa 15 qof oo kale ayaa ka dhashay dagaalka labada dhinac , waxayna sheegeen saraakiisha ciidanka dowlada Somalia inay ku gacan sareeyeen islamarkaana ay la wareegeen gacan ku haynta halka lagu dagaalamay.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii huwanta dowlada federalka iyo Amisom weerar ku qaadeen saldhig la sheegey Alshabab inay ku lahaayeen tuulo u dhow magaalada Buurdhuubo.

Dhagayso Laanta Af-somaliga VOA

PUNTLAND POST