“Xaflad MEHER” Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Faaiza Cabdirsaaq Nuur

Magaalada Gaalkacayo gaar ahaan Hotel  Al-jaziira waxaa ka qabsoontay xaflad qado sharaf ah oo si weyn loo agaasimay , xafladaas oo salka ku haysay Meherka lamaanaha is calmaday oo kala ah Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil “Cawl” iyo Faaiza Cabdirsaaq Nuur ‘Cirfe” .

Labada qoys ee ay kasoo jeedaan Mudanaha iyo Marwadiisa  ayaa si waafaqsan diinteena islaamka iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida isula ogolaaday in la isugu meheriyo lamaanaha is calmaday ee Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil “Cawl”, waxaana halkaasi si rasmi ah Faaiza Cabdirsaaq Nuur ‘Cirfe” loogu mehriyay Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil “Cawl” .

Munaasabadda meherka waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladda Puntland oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi, Wasiiro, Xildibaano, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Waxaa sidoo kale munaasabadda farxadda ah ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayey Guddoomiye Ku Xigeenka Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad iyo xubno kale oo muhiim ah.

Munaasabadda Meherka lamaanahan is calmaday ee Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil “Cawl” iyo Faaiza Cabdirsaaq Nuur ‘Cirfe” waxaa iyaguna ka qayb galay waxgaradka iyo haldoorka ka soo kala jeeda qoysaska walaalaha ah ee lamaanahan loo qabtay xafladda  meherka oo ahayd munaasabad
hab maamuuskeedu aad u sarreeyey.

Culimada iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada Degmada Gaalkacayo ayaa iyaguna lagu casumay munaasabadda qado sharafta ee meherka ah, waxaa halkaasi laga soo jeediyay kalmado kala duwan oo tilmaamayay sida ay diinteena muslimka iyo dhaqanka wanaagsan ee Soomaaliduba ay u amaaneen in la sharfo oo lagu farxo munaasabadahan oo kale, waxaana qoyskan cusub loogu duceeyey in ilaahay kala siiyo ubad khyar qaba.

Guurkiina Guur Khayr , Gurigiina Giri Negi , Guullow Ka Yeel
Gacal iyo Sokeeyaba, Guurkiina Lagu Farax

HAMBALYO  HAMBALYO

–DHAMMAAD–

IMG_4138 IMG_4139 IMG_4140 IMG_4142 IMG_4143 IMG_4144 IMG_4145 IMG_4147 IMG_4148 IMG_4152 IMG_4153 IMG_4155 IMG_4159  IMG_4170 IMG_4176 IMG_4182 IMG_4184 IMG_4191 IMG_4193 IMG_4221 IMG_4257 IMG_4261 IMG_4263 IMG_4267 IMG_4275 IMG_4283 IMG_4285 IMG_4291 IMG_4297 IMG_4299 IMG_4307 IMG_4311 IMG_4318 IMG_4320 IMG_4322 IMG_4330 IMG_4333 IMG_4344 IMG_4380 IMG_4386 IMG_4390 IMG_4394 IMG_4397 IMG_4408 IMG_4417 IMG_4419 IMG_4420 IMG_4424 IMG_4434 IMG_4457 IMG_4466 IMG_4481 IMG_4500 IMG_4505 IMG_4507 IMG_4515 IMG_4516 IMG_4518 IMG_4520 IMG_4523 IMG_4527 IMG_4528 IMG_4533 IMG_4534 IMG_4537 IMG_4538 IMG_4539 IMG_4540 IMG_4542 IMG_4549 IMG_4558 IMG_4559 IMG_4562 IMG_4564 IMG_4565 IMG_4572 IMG_4576 IMG_4580 IMG_4589 IMG_4595 IMG_4599 IMG_4601 IMG_4604 IMG_4611 IMG_4616 IMG_4618 IMG_4631 IMG_4632 IMG_4633 IMG_4642 IMG_4647 IMG_4654 IMG_4663 IMG_4665 IMG_4668 IMG_4675 IMG_4680 IMG_4685 IMG_4693 IMG_4707 IMG_4711 IMG_4714 IMG_4723 IMG_4729 IMG_4733 IMG_4736 IMG_4740 IMG_4743