Faah Faahin Qasaarihii ka dhashay Qaraxyadii iyo weeraradii Muqdisho.

Rag hubeeysan oo katirsan Al-Shabaab ayaa weeraro qaraxyo iyo Dagaal Toos ah waxa ay ku qaadeen ilaa labo hotel oo ku dhow Xeebta Liido Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Weerarakaan oo ku biloowday Gaari laga soo Buuxiyay Ayaa sidoo kale Waxaa Bar Bar Socday Rasaas Toos ah oo ay is weeydaarsanayeen Kooxihii soo weeraray iyo Ciidamada Amaanka Dowlada Somalia.

Dableeyda Weerarka soo qaaday ayaa ku sii fiday hotelada ka agdhowaa halka Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho iyada oo Ciidamada Dowlada Somalia ay xalay saqdii dhexe soo Afjareen weerarkaasi.

Ku Dhowaad 10 Ruux oo u badan Shacab Ayaa ku Dhintay Qaraxyadaasi iyo weeraradaasi ka dhacay magaalada Muqdisho.

Dadka Dhintay Ayaa waxaa ku jira ilaa iyo Laba Haweeneey ah kuwaasi oo kamid ah Dadkii ku Sugnaa mid kamid ah Hoteelada la weeraray.

Sidookale in ku dhow 20 Ruux ayaa dhaawacantay kuwaasi oo Lagu Dabiibayo isbitaalada ku yaala Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Ciidamada Amaanka Dowlada Somalia ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Mid kamid ah ismiidaamiyaasha oo dhaawac ah.

Saraakiisha Amaanka Dowlada Somalia Ayaa Gaaray Xalay markii la soo afjaray weerarakaasi Waxaana Kamid ah Masuuliyiinta Gaartay GeneralĀ  Gaafoow oo Ah Taliyaha Nabadsugida Somalia.

1 4

1

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Office Muqdisho