C/kariim Warsame oo Garowe kaga dhawaaqay Musharax Xildhibaan Soomaaliya

Musharax C/kariim Warsame Cali oo Maanta Shir jaraa’id ku qabtay aqalkiisa Garoowe waxa uuu ku shaaciyay in uu u taagan yahay xilka musharaxnimo ee Baarlamaanak Cusub ee dhawaanta lagu wado in ay soo xulaan beelaha Soomaaliyeed .

Musharaxa ayaa sheegay in uu aamin sanyahay hadii uu ku guulaysto musharaxnimadiisa xildhibaanimo uu wax wayn ka qaban doono Horumarka soomaaliya oo hesha nabad waarta iyo Cadaalada khibrad waayo aragnimana u leeyahay siyaasada Soomaaliya ee maanta .

C/kariim Warsame Cali ayaa ka codsaday 51da qof ee beeshiisa laga soo xuli doono inay Codkooda siiyaan si uu wax ugu qabto Bulshadii soo dooratay iyo ummada Soomaaliyeedba waxaana Goob Joog ahaa qaybo ka mid ah taageerayaashiisa oo muujinayay sida ay ugu faraxsan yihiin musharaxnimadiisa xildhibaanimo.

Qaar ka mid ah taageerayaashiisa oo Goobta ka hadlay ayaa muujiyay in musharax C/kariim qaado karo xilkaan yahayna shaqsi sumcad wanaagsan ku leh bulshada dhexdeeda waxna qaban kara kula dardaarmay dadka wax dooranaya inay codkooda ugu deeqaan.

Magaalada garoowe ee Caasimada Puntland waxaa ka jira dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo ay Musharaxiin badani ku doonayaan inay uga mid noqdaan Baarlamaanak Cusub ee Soomaaliya .

xil 1 xil 2 xil 3 xil 4 xil 5 xil 7  xil 11 xil 12 xil 13Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST