11 qof oo ku dhintay Qarax ka dhacay Baardheere Gobolka Gedo

11 ruux ayaa ku geeriyooday weerar ka dhacay degmada Baardheere ee ka tirsan gobolka Gedo,sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta deegaanka.

Weerarka oo loo adegsadey bambaano,waxaa la sheegay inuu ku dhaawacmay guddoomiyaha degmada Baardheere,Caddow Nuur Xasan iyo Madaxii amniga.

Dad kale oo shacab ah ayaa iyaguna dhaawacyo qaba,kuwaaso lugu daweynayo xarumaha caafimaadka ee deegaanka.

Sarkaal ka tirsan maamulka degmada oo weerarka ka hadlayay waxuu sheegay in fiidkii hore ee Khamiistii xalay lugu beegsadey bambaano nooca gacanta laga tuura ah guddoomiyaha degmada iyo mas’uuliyiin kale kuwaaso ku sugnaa goob mashqul ah.

Dhawaaca uu qabo guddoomiyaha degmada ayaa wanagsan,sida uu sheegay sarkaal u hadlayay maamulka,isagoo marka tilmaamay in lugu raad joogo kooxdii weerarka ka dambeysay.

Saakay xaaladdu waa ay degan tahay walow la arkayay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo qaybo ka mid ah degmada baaritaanno ka wadda,sida ay sheegen dadka deegaanka.

Ma jirto wali cid sheegtay mas’uuliyada weerarka,waxaana inta badan dalka ka fuliya weerarro kuwan la mid ah ururka al-Shabaab ee ka soo horjeedaa dowladda

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST