Shacabka Farxamur,Baarwayn iyo Budunbuto oo ka hadlay dhismaha wadada Eyl

Dangoroyo(Puntland Post)Dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka Farxamur, Baarweyn iyo Budunbuto ayaa sheegay in degaanadaas oo ah tuulooyin muhiima laga weeciyey wado dhawaan laga dhagax dhigay Degmada Dangoroyo ee Gobalka Nugaal lana sheegay inay isku xiri doonto Eyl iyo Dangoroyo.

Wax garadka degaamadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wadadii la mariyey degaan aysan wax tuulo ah ku oolin sidaas darteedna ay godoomi doonaan tuulooyin ay Dad badan ku dhaqan yihiin oo ku yaal inta u dhaxaysa wadada dheer ee laamiga iyo Degmada Eyl, iyagoo intaa ku daray in wadadan cusub laga duway halkii ay horay ugu calaamadisay Dawladii Maxamed Siyaad Bare.

Odayaasha degaanadan ayaa ku baaqay inaysan wadadan Dadka degaanka wax yeelo u geysan, halkii laga sugaayey inay nacfi soo kordhiso maadama sida iminka lagu wado lagu godoominaayo degaano ay Dad badan ku dhaqan yihiin, Wax garadkan ayaa intaa ku daray inay mar walba wadadaas ay diyaar ula ahaayeen inay ku taageeraan xoog iyo maal, hadana diyaar u yihiin inay dhisaan wado isku xirta Magaalada Garowe iyo Degma xeebeedka Eyl.

Haweenka Degaanadan ayaa iyaguna tilmaamay inay mudo dheer baahi u qabeen inay arkaan wado laami ah oo  u sahasha hooyooyinka foosha la dhiig baxaaya inay si fudud ku gaaraan goobaha caafimaad ee Magaalada Garowe.

Ugu dambayntii Dadka degaanadan ayaa baaq u diray Dawlada Puntland, Maamulka Gobalka Nugaal iyo kan Degmada Dangoroyo inay gartaan baahida wadada laamiga iyo meesha ku haboon in la mariyo.

Baaqa kasoo yeeray Dadka ku dhaqan degaamadaas ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Degmada Dangoroyo lagu dhagax dhigay wado cusub oo isku xiri doonta Dangoroyo iyo Eyl oo ah labba Degmo oo katirsan Gobalka Nugaal.

3(6)

6

8

4(3)

12(2)

11(2)

9(1)

7(2)

2(4)

1(5)

PUNTLAND POST