Madaxweynaha Puntland oo Gaaray Dalka Turkiga Xili Laga sugayay Puntland

Wararka naga soo gaaraya Dalka Turkiga ayaa waxa ay sheegayaan in Dalkaasi uu Goordhow uu Gaaray Madaxweynaha Puntland Dr C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweyne Gaas Ayaa Goordhow ka Dagay Garoonka Diyaaradaha ee Istanbuul Airaport ee Dalkaasi Turkiga Waxaana halkaasi ku Soo Dhoweeyay Xubno katirsan dowlada Turkiga.

Madaxweyne Gaas ayaa Dowlada Turkiga ka helay Casuumaad Rasmi ah  waxaana lagu wadaa in uu la kulmo la qaato madaxda dalkaasi Turkiga.

Madaxweyne Gaas ayaa Booqasho baryihii ugu dambeeysay ku joogay dalka Itoobiya halkaasi uu kulamo kula qaatay Madaxda dowlada Itoobiya.

Madaxweyne Gaas ayaa markii uu ka amba baxayay Magaalada Garoowe ayaa waxa uu sheegay in uu safar ku tagi doono Itoobiya dibna ugu soo laaban doono Puntland.

Kadib Qarixii Dhowaan ka dhacay Magaalada Gal-kacyo ayaa waxaa jirta hadal heeyn ku aadan in Madaxweyne Gaas uu Socdaal ku tagi doono Magaalada Gal-kacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Magaalada Gal-kacyo ayaa waxaa hadda ku sugan Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada Puntland.

PUNTLAND POST