Hay’ada Shaqalaha Rayidka Puntland oo imtixaan qaaday maanta

Hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission) ayaa qaaday imtixaankii Madaxqaybeedyada Farsamadda Kambuyuutarada (ICT Unit Heads) ee Hay’ada iyo Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista uu Bangiga Aduunku maal galinayo, waxaana xiririnaya Mashruuca Guddiga isku dubaridka iyo xiriirinta(Project Coordination Unit-PCU) ee xafiiska Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha rayidka Mudane Mustafe Siciid Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in ay Hay’adu maanta qaadayso imtixaamka ICTga, horana u soo qaaday imtixamaadka afar Madaxqaybeed.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Madaxqaybeedyadii Hay’adu hore u qaaday imtixaankooda ay hadda shaqo galeen, isla markaasna ay si habsi leh u gudanayaal waajibaadkooda shaqo, iyagoo isbedel rasmi ah ku samayeey Wasaaradihii iyo Hay’adihii ay ka shaqo galeen.

Guddoomiyaha ayaa ugu danbayn sheegay in dadkii hore ugu soo baxay imtixaamaadka ay ahayeen dad u qalma boosaska ay ku soo baxeen, taasina ay ka marag cad u tahay in uu imtixaanku ahaa mid ku salaysan caddaalad iyo hufnaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hore u balan qaaday in dib u habayn lagu sameeyo shaqaalaha Dowladda Puntland isla markaasna kor loo qaado tayadooda iyo aqoontooda, Imtixaankanina wuxuu qayb ka yahay kana jawaabayaa balan qaadkii Madaxweyne Cabdiweli.

Ugu danbayntii, Imtixaanka ayaa ku soo idlaaday jawi degan.

 

——————–Dhammaad—————-

 

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 
vlcsnap-2016-08-25-11h03m40s26 vlcsnap-2016-08-25-11h04m04s36 vlcsnap-2016-08-25-11h04m24s243 vlcsnap-2016-08-25-11h05m51s106 vlcsnap-2016-08-25-11h06m13s17 vlcsnap-2016-08-25-11h07m35s101 vlcsnap-2016-08-25-11h07m59s80