“Dr Cawdagle” Furayaasha Horumarka Q 1aad

Qaybtii 1aad.
Dr Hashi Herzi Musse (Dr Cawdagle)
drcawdgale@gmail.com

Qof kasta oo ka mid ah ah Bini aadamka waxaa si dabiici ah ugu beeran hammi ama himilooyin ay tahay in uu ka guul gaaro oo hiigsanayo inta uu noolyahay.

Hamigaas  qofku hiigsanayo kuma timaato kaliya in uu niyada ku hayo hami fog oo uu rabo in uu hiigsado ee waxaa jiraa shuruudo ama sababo ay tahay in uu layimaado kahor inta uusan gaarin Horumarka ama guusha uu hiigsanayo.

Hadaba tolow waa maxay Shuruudaha ama sababaha lagama maarmaan ka u ah furayaasha guusha.

  1. Qofku waa in uu leeyahay Jiho ama yool cad oo uu hiigsanayo: waa albaabka laga galo Furayaasha guusha, macnaha jiho ama yool waxa weeye in aad u fakartid si dhab ah khaas ahaan waxa aad rabtid in aad ku samaysid ama ka badashid noloshaada.

Dadka badankiisuna malahan dareen jiho ama yool cad oo ay hiigsanayaan (sense of direction.

5% dadka ku nool dunida maanta ayaa garanayaa meesha ay usocdaan iyo waxa ay rabaan in ay ka guulgaaraa noloshooda.

Dr Hashi Herzi Musse  Dr Cawdagle
Dr Hashi Herzi Musse (Dr Cawdagle)

Waxaad noqon kartaa qofka ugu cilmiga badan dunida, qofka ugu caqliga badan dunida iyo qofka ugu hal abuurka badan, hase yeeshee hadiii aadan jiho ku hagaysa lahayn waxba kuu tari mayso arimaha kor an kusoo xusnay maadaama uu kaa maqan yahay halbeegii ugu muhiimsanaa noloshaada oo ah suaasha halkee usocotaa (Clear target).

Sidaa daraateed waxaa ugu muhiimsan noloshaada waxa weeye in aad ogaatid ama is waydiisid su aalahan soo socda:-

  • Halkee usocotaa
  • Si aad u gaadhid halka aad usoto maxaa lagama maarmaan ah in ad samaysid ama aad qabatid
  • Go aan ma iga tahay in aan hawshaas ka mira dhaliyo

Su aashaas iyo kuwo kaloo badan waa in aad naftaada waydiisa kahor in ta aadan bilaabin qorshaynta mustaqbalkaaga.

Si aad uga miro dhaliso qodobka kawbaad ee furayasha horumarka waxaa lagama maarmaan ah in lagaa helo qodobada soo socda:-

Go aan qaadasho dhab ah: – go aan qaadashadu waa qaybta ugu muhiimsan ee furayasha horumarka, inta lagu dhex jiro qorshaynta noloshaada waxaa loo baahan yahay qaadashada go aano ad adag si aad u meel mariso qodobadiii aad qoratay. 80% go aamada aad qaadaynayso waa in aad qaadataa marka aad bilaabayso qorshahaaga horumarineed.

Akhristow ogow Farqiga u dhexeeye guusha iyo guuldaradu ma ahan in qofka guusha gaaray uu qaatay go aankii ugu saxsanaa (write decision)  hase yeeshee waxa weeye in qofka guusha gaaray uu qaatay go aanka xiligii ku haboona.

Himilooyin qeexan (Vision):- himilada macneheedu waxa weeye  in aad leedahay riyo ama yool dhab ah oo aad ku haminaysid in aad ka jiba gaartid mustaqblkaaga.

Himilooyinku waa hadafka ama riyada fog ee shaksigu hiigsanayo mustaqbalka, hadafkaasi wuxuu noqon karaa in aad hanti yeelasho, in aad mansab dawladeed gaarto, in aad caan ka noqoto bulshada iyo wixii lamid ah.

Ogow wada ugu fiican ee aad ku saadaalin karto mustaqbalkaaga waxa weeye in aad marka hore dhisto aasaaska (Foundation) mustaqbalkaaga adoo taxayaa guulaha aad rabto in aad gaarto, Markaas kadibna aad qiimayso guusha aad ka gaartay himiladaadii aad qoratay si maalinle, bille ama Sanadle ah, cabirkaagu ama qiimayntaadu ha noqoto maxaa kaaga hirgalay hamigaagii ama yoolkaagii aad qoratay adoo qiimaynaya natiijadii (Results) aad gaartay  lkin ha qiimayn shaqada aad qabatay  waayo hadafkaaga ugu dambeeya waxa weeye in aad gaartid natiijo ama maxsuul la taaban karo ee ma ahan shaqada aad qabatay.

Waxaad is waydiisa su laaha soo socda si aad uga jiba keento himilooyinkaga

  • Maxaan natiijo (Results) kafilayaa qabashada shaqadan aan qabanayo
  • Sababtee ayaan u qabanayaa
  • Si aan uga jibakeeno hamigayga maxaa la iiga baahan yahay in aan sameeyo oo talaabooyin ah.

Himilooyinkaagu waa in ay yihiin kuwo buug kuugu  qoran. Tusaale ahaan, subax kasta waxaad lasoobaxdaa buugii  himilooyinkagu kuugu qornaayeen kadibna ka shaqee, galabtiina is waydii su aalahan soo socda

  • maxaan maanta si sax a u dhamaysay ama aad qabatay liiskii kuu qornaa
  • maxaan si khaldan u qabtay oo aan dib ka saxaa,

hadii aad subax walba aad ka shaqaysid liiskii kuu qornaa  galabtiina aad qiimaysid waxa kaaga  hirgalay maanta su aalaha kor ku xusan waxaa lahubaa in aad ku qaban karto mudo sadex bari ah shaqo lagu qaban lahaa muddo 6 bilood ah.

Hadii aan soo koobo macnaha guud ee Qodobka kawbaad  ee Furayaasha Guusha waxaan kusoo koobi karnaa sidatan

  • Waa in aad yool ama himilo qeexan (Target) leedahay
  • Waa in aad qaadataa go aano ad adag si aad uga miro dhaliso yoolkaaga
  • Waa in aad himilooyinkaaga taxdaa ama liisgaraysaa
  • Cabirkaagu ama qiimayn taadu ha noqdo maxaa natiijo ama maxsuul aad gaartay maanta eee yuusan noqon maxaad shaqo (activity) qabatay
  • Qiimayn joogta ah ku samee wixii aad qabatay maalin walba iyo bil walba.

Dhamaad Qaybtii 1aad,

La soco qaybta 2aad furayaasha Horumarka

PUNTLAND POST