lacag Dhan $530,000 oo laga xaday bankiga Dhexe Ee Dalka

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee  Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo Goordhow la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in Bankiga laga xaday lacag dhan Shan boqol iyo Soddon Kun oo Doollarka Maraykanka ah, $ 530,000.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay wadaan Baaritaano la xariira Sida ay ugu suurtagashay in Bankiga lagala baxo Lacago intaasi la eg waxaana uu sheegay in Goordhow saxaafada ay u soo bandhigi doonaan cidii ay ku heleen in ay lacagahaasi la baxday.

Baryihii la soo Dhaafay ayaa waxaa jirtay hadal heeyn balaaran oo ku aadan in Madaxda sare ee dalka ay si sharci daro ah lacago aad u farabadan ugala baxeen Bankiga dhexe ee dalka.

Maanta ayaa Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Somalia si rasmi ah u qiray in lacago badan lagala baxay Bankiga Dhexe Ee dalka.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah.

Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho