Somalia oo isu diyaarinaysa marti-gelinta shir madaxeedka IGAD

Muqdisho (Puntland Post):-  Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa isu diyaarisay marti-gelinta Shir Madaxeedka IGAD, kaasoo la filayo in horaanta bisha September ee sanadkaan 2016-ka lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdi Salaan Cumar Hadliye ayaa sheegay iney isu diyaariyeen marti gelinta Shir Madaxeedka IGAD, waxaana uu xusay in lagu qaban doono meel ka mid ah Muqdisho.

‘’Waan u diyaar garownay marti gelinta Shir Madaxeedka IGAD, si Caalamka aan u tusno in Muqdisho tahay meel la imaan karo’’, ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdi Salaan Cumar Hadliye.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xassan Sheikh Maxamuud ayaa dhawaan sheegay in 5-ta bisha September ee sanadkaan 2016-ka Shirka Madaxda IGAD lagu qaban doono Muqdisho.

Madaxda IGAD ayaa Shirkooda ka dhacaya Muqdisho la sheegay iney uga hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay Doorashada la filayo iney dalka Soomaaliya ka dhacdo bisha October ee sanadkaan 2016-ka.

Soomaaliya ayaa ka soo ka banaysa dagaaladii iyo colaadihii, waxaana sanadkii tagay ee 2015-kii lagu qabtay magaalada Muqdisho Shirkii Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST