Muqdisho weerar khasaaro geystay oo lala beegsaday Wasiir

Koox Ku hubeeysan Bambaanooyinka Gacanta laga Tuura Ayaa Weerar ku Qaaday Hoogya uu Magaalada Muqdisho ka Dagnyahay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Somalia Maxamed Cali.

Hooyga Wasiiru Dowlaha oo ku yaala Dagmada Xamar Weyne Ee Gobolka Banaadir ayaa ilaa iyo ku dhowaad 3 Bam gacmeed lagu weeraray.

1 Ruux Ayaa Geeriyooday ku dhowaad 5 kale oo ilaalada Wasiirka ahaana waa ay ku dhaawacmeen weerarkaasi.

Xiliga Bamka lagu tuurayay Hooyga Wasiirka ayaa waxaa sidoo kale kula Sugnaa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Somalia.

Taliska Booliska Degmada Xamarweyne ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen.

Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Axmed Shire oo Goordhow Warbaahinta kula hadlay halka ay wax ka dhaceen ayaa ka hadlay sida ay wax u dhaceen.

Hoos  ka dhageyso Codka Taliyaha.

Xasan Maxamed Samatar -Cowke 

Xafiiska Wararka Puntland Post Muqdisho