Dhaqaatiir Ajnabiya oo Garowe ka fulinaya isku furanka Haweenka

Garowe (Puntland Post):- Isbitaalka Guud ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka bilaamay qaliimo iyo daweyn lagu samaynayo haweenka qaba xanuunka iskufuranka oo fulinayaan dhaqaatiir ajanani ah.

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland ayaa horay u sheegtay in isbitaalka guud ee magaalada Garoowe ay ka bilaami doonaan adeegyo Caafimaad oo lagu daweynayo qaba xanuunka isku furanka.

Agaasimaha Guud ee isbitaalka Garoowe Dr.Cabdisamad Axmed Jaamac  oo saxaafada kula hadlay Isbitaalka ayaa sheegay in qaliimada iyo daweynta xanuunkaan ay socon doonto mudo 7-cisho ah.

Agaasimaha ayaa sheegay in adeegyadaan ay yihiin kuwo lacag la,aan ah waxaana uu ugu baaqay haweenka inay ka faa,iidaystaan isagoo sheegay ka heli doonaan daweyn iyo qaliimo caafimaad.

Xanuunka isku furanka haweenka ayaa sanadihii danbe kusoo badanayey deegaanada Puntland waana markii ugu horaysay oo dhaqaatiir ajanabi ah ay adeegyo caafimaad oo noo caan ah ay ka fuliyaan Magaalada Garoowe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST