Jaamacadda Bariga Afrika iyo Jaamacadda Caalamiga ee Africa oo heshiis kala saxiixday.

Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta si wada jir ah heshiis ugu kala saxiixday magaalada Garowe maamulka Jaamacadda Bariga Afrika iyo Masuuliyiin ka socotay Jaamacada caalamiga ah ee Afrika( Intertanional University of Africa),iyadoo heshiiskan qayb  ku lahayd Wasaardda Waxbarshada iyo tacliinta sare ee Dowladda Puntland

Hormuudka kuliyada shareecada Islaamka Jamacada Barriga afrika Jamac Maxamed Xasan ayaa kusifeeyey in uu heshiiskan door weyn ka ciyaari doono sidii kor loogu qaadi lahaa Tayada Jaamacadda Bariga Africa ayna filayaa in si hufan looga faa’iideysan doono.

Baacasiis Cali Bin Cali oo ah Madaxa kuliyada shareecada iyo qaanuunka ee Jaamacada caalimaga ah ee afrika ayaa ku tilmaamay heerka waxbarasho ee ka jira Puntland mid soo jiidanaya Jaamacadaha kale ee Caalamka , Isagoona sheegay inay Ahmiyad  istaraatiijiyeed u leedahay Jamacada Bariga Africa dalka Somalia.

Gudoomiyaha guud ee Jaamacada bariga Afrika Aadan Sheikhdoon ayaa ku tilmaamay heshiiskani inuu yahay fursad dahabi ah oo usoo hooyay bahda Waxbarashada, gaar ahaan ardayda wax ka barata Jaamacadda Bariga Afrika,wuxuuna sheegey inay muhiim tahay in si wanaagsan looga faa’iideysto.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarshada iyo Tacliinta sare ee Dowladda Puntland Maxamed Cabdiqaadir Cismaan ayaa sheegay inay qayb wayn ku lahayd fulinta heshiiskan Wasaaraddiisu , ayna tahay fursad ay ka faa’iideysan doonaan Ardayda Soomaaliyeed isagoo Jaamacada Bariga Afrika ku tilmaamay mid u qalanta ka faala qaadida miisaanka uu xambaarsan yahay Heshiiskani

Jaamacada Bariga Africa ayaa mudadii ugu danbaysay waxay heshiisyo kala duwan la gashay dhigeeda caalamka gaar ahaan Jaamacado ku yaala Dalalka Malaysia,Sudan iyo Sweden

DSC03107  DSC03109 DSC03116 DSC03121 DSC03122  DSC03129 DSC03130  DSC03149 DSC031681 2 3 4 unnamedXafiiska Warfaafinta

EAU Puntland Somalia.