Gaalada iyo Gaalkacyo ma wax baa isu galay ?

Usaama Bin Laadin iyo Ayman Addawaahiri waxay sheegeen inay ururka Alqaacida u aasaaseen la dagaalanka Yuhuuda iyo Macatableyda.

Ururkaas iyo kooxaha raacsan oo ay ka mid tahay Xarakada Alshabaab waxaa dhaqan u ahaa in ay muslimiinta u soo bandhigaan sawiro xanuun badan oo muujinaya muslimiin ay gaalo xasuuqayso ama ciqaabayso ama la qixinayso iwm.

Kolkii dadka dareenkooda ay kiciyaan oo ku abaabulaan koryeelida islaamka iyo ka hortagida dulmiga gaalada ayay shaqadooda aasaasiga ah ee ugu badan ka dhigaan xasuuqa , qixinta iyo cabsigalinta muslimiinta.

Sheekh Axmed Cabdisamad
            Sheekh Axmed Cabdisamad

Marar badan ayaan isweydiiyey sida ay isu qabanayso muslimiin la xasuuqayo ayaan u gurmanaynaa iyo annaguna muslimiinta dhinacayaga ayaan ka xasuuqaynaa.

Gabagabadii maadaama aysan waxba isu galin reer Gaalkacyo iyo Yuhuuda iyo Macatableyda ay Alqaacido tiri waan la diriraynaa ayaan is iri : malaha labada magac ee GAALO iyo GAALKACYO ayaa isu la ekaaday!

W/Q

Sh. Axmed Cabdisamad
alwaqaar@hotmail.com