Dowlada USA oo 146 milyan oo dollar siinaysa Somalia iyo Kenya

Nairobi (Puntland Post):- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry ayaa kaga dhawaaqay dalka Kenya in Dowladda Marekanka lacag deeq ah oo hor leh siin doonto dalalka Soomaaliya iyo Kenya,Taas oo uu sheegey in lagu taageerayo qaxootiga Somalida ee si iskood ah ugu laabanaya dalkooda, iyo Taageero la siin doono dadka ay saameeyeen abaaruhu ee ku nool Kenya iyo Somalia.

John Kerry ayaa sheegey lacagtan oo gaareysa  146 milyan oo dollar, waxaa 59 milyan oo dollar oo ka mid ah deeqdan la siin doonaa guddiga sare qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR, si ay ugu taageeraan qaxootiga Kenya ku sugan iyo kuwa dib ugu laabanaya Soomaaliya.

Sidoo kale 87 milyan ayaa waxaa lagu bixin doonaa taageerada cuntada iyo arrimaha kale ee dadka abaaruhu ku saameeyeen Soomaaliya iyo Kenya.

Taageeradan cusub ee dheeriga ah ayaa ka dhigaysa guud ahaan deeqda lacageed oo sanadkan Dowlada Mareykanku siinayso Kenya iyo Somalia lacag dhan 265 milyan oo dollar.

Taageerada Mareykanka waxa ay sidoo kale wax ka qaban doontaa arrimaha bani aadannimo ee ka taagan Gobolllada bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka waxay sheegtay inay ka go’an tahay wax ka qabashada walaacyada bani aadannimo ee ka taagan Soomaaliya iyo Kenya.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST