8 sano jir Somali ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Dalka Sweden

Bam gacmeed lagu tuuray guri ay daganaayeen qoys Somali ah oo ku yaala magaalada Gotherberg ee dalka Sweden ayaa lagu dilay wiil yar oo dhalashadiisu asal ahaan kasoo jeedo dalka Somalia.

Dhacdadan ayaa timid ka dib markii muran soo kala dhex galay qoyska bam gacmeedka lagu tuuray qoys kale taasi oo sida la sheegey sababtay in bamka lagu tuuro guriga ay daganaayeen qoyskan uu ka dhintay wiilka 8 sano jirka ah.

Laamaha booliska ayaa sheegaya inay wali wadaan baaritaano ay ku raadinayaan cidda ka danbeysay weerarka lagu qaaday qoyskan Soomaaliyeed ee ku noola dalka Sweden.

Qaar ka mid ah ehelada qoyska la weerarey oo la hadlay warbaahinta waxa ay sheegeen in bamka lagu soo tuuray iyaga oo jooga gurigooda , waxayna sheegeen inuu haleelay wiil da’diida lagu sheegay 8 jir kaasi oo isla goobtii ku geeeriyooday.

Qaar ka mid ah Warbaahinta gudaha oo amuurtan wax ka qortay waxay sheegeen in qoyska Somalida ah ee saaka bamka lagu tuuray uu horey isna bam gacmeed ugu tuuray qoys kale oo Swedish ah taasna ay keentay kala aargudasho labada qoys u dhaxaysa.

1 2 3 4

PUNTLAND POST