Camay oo gaaray Magaalada Gaalkacayo iyo Gaas oo ku wajahan

Gaalkacayo(Puntland Post)- Madaxweyne ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdillaahi Cumar Camey ayaa gaaray Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobalka Mudug si uu kor meer ugu sameeyo khasaarihii ka dhashay qaraxyadii shalay gilgilay Magaaladaas.

Waftiga Camey oo saakay gaaray Magaalada Gaalkacayo ayaa durba bilaabay inay u kuur galaan khasaarihii banaa ee ka dashay qarxyadii foosha xumaa ee ka dhacay Magaladaas, waxayna kormeereen goobihii ay qaraxyada ka dhaceen.

Dhanka kale Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta laga sugayaa inuu soo gaaro Gaalkacayo maalin kadib qarixii Dadku ku dhinteen ee ka dhacay Magaalada.

Amaanka Gaalkacayo ayaa siweyn loo adkeeyey, iyadoo Ciidamada amaanka lasoo dhoobay wadooyinka Magaalada si ay uga hortagaan weeraro hor leh oo ka dhaca Magaaladaas.

Qaraxii shalay ka dhacay Gaalkacayo ayaa ahaa kii ugu xumaa oo ka dhaca degaanada Puntland.

PUNTLAND POST