Madaxweynaha Jubbaland oo Cambaareeyay Qaraxyadii Gal-kacyo

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Wariyaasha kula hadlay magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii Qaraxyada ahaa ee Shalay ka dhacay Gal-kacyo.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u tacsiyeeyay ehaladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyoodeen Dhamaan Dadkii Naftoodii ku waayay weerarkaasi.

Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u midoobaan in ay ka hortagaan Dadka Geeysanaya qaraxyadaan Dadka Rayidka ah ay ku Waxyeeloobayaan.

Shalay ayaa weerar is xig xigay oo qasaare Geeystay waxa ay ka dhaceen Magaalada Gal-kacyo ee Xarunta Gobolka Mudug .

Masuuliyada Qaraxyadii ka dhacay Magaalada Gal-kacyo waxaa Sheegaty Uruka Al-Shabaab.

PUNTLAND POST