Xoghayaha arrimaga dibada Maraykanka oo ku wajahan Kenya

Xoghayaha arrimaha dibada ee  Maraykanka John Kerry ayaa la filayaa Isniinta soo socota inuu gaaro magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, halkaasoo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta dalkaasi.

John Kerry ayaa la sheegay inuu madaxda dalka Kenya iyo wasiirada arrimaha dibada ee Gobalka uu kala hadli doono arrimo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada, iyo nababadaynta Koonfurta Suudaan.

Xoghayaha arrimaha dibada ee  Maraykanka John Kerry ayaa sidoo kale la sheegay inuu Kenya iyo Wasiirada arrimaha dibada ee Gobalka uu kala hadli doono Doorashada dalka Soomaaliya ee sanadkaan 2016-ka.

John Kerry ayaa Kenya uga sii gudbi doona dalka Nigeria, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweyne Muhammadu Buhari.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST