Maxamed Daa’uud oo Soomaaliya u ordi Doono Tartanka Olombikada Aduunka

Maanta oo Ay Taariiqdu ku beegantahay 17-Agousto Ayaa Waxaa lagu Wadaa Magaalada  Rio ee dalka Barazil  uu ka soconayo Tartanka Olombikada Aduunka in uu halkaasi orodkiisa uu ku soo Bandhigo Maxamed Daa’uud Maxamed oo Soomaaliya u matalaya Tartanka Orodka 5,000M (Shan Kun oo Mitir).

Maxamed Daa’uud Ayaa La tartami Doono Ciyaartooy aad u farabadan oo ka socdo Qaar kamid ah Wadamada Caalamka.

Ciyaaryahaanka Soomaaliya u matalaya Tartanka 5,000 oo orodkiisa ka hor dareenkiisa uga waramaya Warbaahinta Gudaha Dalka Barazil ayaa sheegay in Rajadiisu maanta ay aad u fiicantahay .

Maxamed Daa’uud ayaa sheegay in uu Rajeeynayo in uu Guuleeysta islamarkaasina Natiijo fiican uu u soo hooyo shacabka Soomaaliyeed.

Maryan Nuux Muuse  oo Soomaaliya u mataleeysay Tartanka Orodka Ee Rio Ayaa 13-kii Bishaan Gashay Kaalinta Sideedaad ee ugu Dambeeysa.

Dadka Soomaaliyeed ee ku Dhaqan Gudaha iyo Dibada ayaa Maanta isha kuwada haya Natiijada uu  keeni doono Maxamed Daa’uud oo Soomaaliya u tartamaya.

PUNTLAND POST