Qiimaha wakhtiga! W.Q: Sam-sam Said Mohamed

Sam-sam Said Mohamed
Sam-sam Said Mohamed

Waxaa mahad oo dhan iskaleh allaah SW, allah inaga dhigay dad Muslim ah inoo dhamaystiray nimcooyinkiisa una ogaaladay Shacabka soomaliyeed inay ku noolaadaan 26 sano nolol isku tiirsanaan iyo is taakulayn ah, oo ay ku buuxiyeen kaalintii dawladnimo iyo maamul wanaagsani lahaa.

Waxaan mahad gaar ah u jeedinayaa   boqoradayda , iftiinka indhahayga , hagaha naftayda waa Hooyaday macaan Hawo ahmed Mohamed , taas oo igu barbaarisay dhaqan wanaagsan , diin , iyo dabeecad suuban , Abaalkeeda jana allah ha ugu bedelo.

Waxaan sidokale u mahadnaqayaa dhamaan hooyooyinka soomaliyeed ee ku korinaya ubadkooda duruufaha adag e dalkeena kajira , iyaga oo mujinaya dulqaad , debecsanaan iyo daacadnimo aan dhamaad lahayn , illahay janada hoygiina haka yeelo hooyooyin , waxaad tihiin badbaadiyaha umada Soomaliyeed.

 

Ugu danbayntii waxaan mahad u celinayaa dhamaan asxbaatayda gaar ahaan akhristayaasha qormooyinkayga –qoraaladayda,  isla mar ahaantaana  isoo siiya talooyin iyo dhiiri gelin wax tar leh iyo bahda  shabakada puntland post oo dhawaaqayga qoran gaarsiisa shacabkayga  soomaaliyeed ee wax akhriya.

Hordhac

Waqtigu waxa uu kamidyahay nimcooyinka dabiiciga ah oo illahay umadiisa ugu deeqay , balse in badan oo inaga mid ah aysan ogayn ama arkaynin muhiimadiisa , noloshu waxay ku tiirsantahay waayaha iyo waqtiga is bad badalaya oo maalinba waji cusub ayey lakulantaa, lana macaamishaa.

 Waa maxay waqtigu ? maxay ku kala duwanyihiin qofka ama shakhsiyadaada iyo waqtigu?

Qeexida Waqtiga : wakhtigu waa adiga – (qofka) ama noloshaada.

Adiga iyo wakhtigu waxba kuma kala duwanidin, miridhada , ilbiriqsiyada , saacadaha iyo sanadaduba waa miisaan lagu qiyaaso waqtiga laakiin wakhtigii maaha.

Sifooyinka wakhtiga

  • Wakhtigu waa kan ugu dheer hadana ugu gaaban
  • Wakhtigu waa kan ugu dhakhsaha badan uguna qunyar socod badan
  • Wakhti la”aantii waxba lama qabsan karo
  • Wakhtiga lamasoo celin karo lamana mag dhabi karo
  • Wakhtigu waxa uu liqaa wax a yar oo dhan waxana uu dhisaa waxa wayn oo dhan
  • Wakhtigu cidna uma joojiyo mana sugo
  • Wakhtigu waa raasamaalka qofku uu haysto kan ugu wayn

Waxaa iswaydiin mudan sidee buu wakhtigu u leeyahay sifooyinkan iskasoo horjeeda? , waxaan uga jawaabaynaa sida soo socota.

  • Wuu dheeryahay maxaa yeelay waa jiritaanka kownka.
  • Wuu gaaban yahay waayo majiro qof nolosha wakhtigiisa ku dhamayn kara
  • Wuu degdeg badan yahay marka loo eego dadka farxada kunool , wuuna gaabiyaa marka loo eego dadka ku khamaara ee aan ka faa’iidaysan .
  • Wakhti la’aan waxba lama qaban karo waayo waa masraxa keliya ee nolosha kala wada.

Hadaba hadii uu qiimahaas leeyahay wakhtigu,  noloshii dhana ayba tahay wakhti uun miyay kula tahay inuu mudanyahay in lagu ciyaaro oo aan laga faaiidaysan ama si khaldan loo lumiyo.

Bal isxisaabi  akhriste waxa uu odhan jirey khaliifkii labaad ee muslimiinta, Amiirkii Muuminiita , Caadilkii Umada Cumar Binu-khadaab (is xisaabiya intaan laydin xisaabin , is miisaama intaan laydin miisaamin).

 

Ma ogtahay in 15 daqiiqo oo isbiirsaday in ay soo baxayso sanadkii 11 maalmood! 22 cisho oo kudhaw bilna ay tahay 30 daqiiqo oo maalintii ah!

Waqtigan aan sheegaynaa ma waxaan ahayn baa ilbidhiqsiyo isbiirsday oo noqday miridho oo noqday saacado oo sii noqday sanado.

1 miridh =60 ilbidhiqsi

1saac =60 miridh

1 sano =365 maalmood ama 52 todobaad.

Adigo aaan is ogayn baad ku khasaarinaysaa filim daawasho 8 sano aad jaamacad dhakhtarnimo ah ku dhamayn lahayd , ismase ogid, markaasaad hadhaw qoomamaynaysaa  oo odhanaysaa hadaan sidaas samayn lahaa sidaasaan noqon lahaa!

Hadaba si aad u ogaatid qiimaha wakhtiga u fiirso weedhahan oo si fiican u lafagur:

  • Si aad u ogaatid qiimaha uu sanadku leeyahay waydii arday ku guuldaraystay sanad dugsiyeedkiisii waxbarasho.
  • Si aad u ogaatid qiimaha ay bil leedahay waydii hooyo ku umushay sideeed bilood , iyadoo aan sedkeedii dhamaysan .
  • Si aad u ogaatid qiimaha uu leeyahay todobaadku waydii tifatiraha wargeys todobaadle ah.
  • Si aad u ogaatid qiimaha ay leedahay maalintu waydii kuuli ama shaqaale qaata mushahar maalinle ah oo ay sugayaan toban carruur ah inuu quudiyo.
  • Si aad u ogaatid qiimaha ay leedahay 1 saac waydii labo is jecel oo ballamay oo isa sugaya.
  • Si aad u ogaatid qiimaha ay leedahay 1 daqiiqo waydii qof uu seegay tareen ama diyaarad uu raaci lahaa isagoo daqiiqad u jirey inuu gaadho.

Dadkii waqtiga fahmay maxay ka yidhaahdeen?

Ibnu mascuud wuxu yidhi :  Waligay kamaan murugoon intaan ka murugoodey cadceeda oo dhacdey , oo cimrigaygii gaabtay.

Xasan albasri wuxu yidhi : ina aadanaw waxaad tahay maalmo kooban hadday maalin kaa tagto badh naftaada kamid ah ayaa tagay.

Cumar bini C/casiis wuxuu yidhi : Habeenka iyo maalintu way kaa shaqaysanayaan ee adna ka shaqayso.

Ibnul Qayim wuxu yidhi : wakhtiga oo ladayacaa way ka xuntahay dhimashada , waayo waqti dayicidu waxay kaa goysaa illaahay iyo maalinta aakhiro , halka ay dhimashadu kaa goyso adduunka iyo ehelkiisa.

Dadkii wanaagsanaa waxay shanta salaadood odhan jireen miisaanka maalinta , maalinta jimcahana miisaanka todobaadka , Ramadaantana miisaanka sanadka , Xajkana waxay odhan jireen miisaanka cimriga.

Xikmad kahadlaysa dadka iyo wakhtiga:

Dadku waxay u qaybsamaaan shan qaybood marka laga hadlayo wakhtiga iyo sida looga faaiidaysto:

  1. Dadka maskaxda wanaagsani waxay ka hadlaan fikradaha , waxay had iyo goor ka sheekeeyaan fikradaha dadka wanaagsan iyo siday ugu hormareen.
  2. Dadka maskaxdoodu iska caadiga tahayna waxay kahadlaan dhacdooyinka , dadkaasi waxaa mashquuliyey wax laga yimid , wax tegey oo aan soo noqon bay wakhtigooda oo dhan ku lumiyaan inay ka sheekeeyaan.
  3. Dadka maskaxda yarna waxay ka hadlaan dadka , waxay had iyo jeer ka hadlaan qof ay caayaan ama ay amaan aanu uqalmin dul dhigaan.
  4. Dadka maskaxdoodu sii yartahayna waxay ka hadlaan naftooda, kuwaasina waa ri , isnuugtay oo kale , waxay noloshooda oo dhan ku lumiyaan inay iska sheekeeyaan, aniga yaa igaadhay! Aniga dadka ugu sareeya iwm  .
  5. Dadka maskaxdoodu eberka tahayna waxay ka hadlaan ashyaada, sida mobilda , kumbuyutarada, dharka , iyo gawaarida , waxaad arkaysaa qof wayn oo ku odhanaya mobilka hebel ama heblaayo London baa laga keenay , mobilada nooca udambeeya baan sitaa! dadkana waxay ku qiimeeyaan shayga uu haysto , kumase qiimeeyaan akhlaaqdooda iyo aqoontooda.

Waxyaabaha wakhtiga lumiya / dila

Haddaynu kasoo hadalnay qiimaha wakhtigu uu leeyahay , waxaynu is dul taagaynaa waxyaabaha wakhtiga lumiya waana kuwan soo socda:

  • Waxa ugu horeeya ee wakhtiga lumiya waa jaahilnimada aanu qofku ogayn in wakhtigu yahay noloshiisii, waxaad arkaysaa dad ku odhanaya wakhtiga ayaan dilaynaa , laakiin hadii uu u fiirsado hadalkiisa wuxuu dareemi lahaa inuu jariimo samaynayo oo naftiisa dilayo.
  • Waxaa iyaguna wakhtiga dila kulamada aan faaiidada lahayn ee maqaaxiyaha iyo meelaha lagu qaxweeyo iyadoo aan wax qorshe ah loo fadhiyin sheeko maahee.
  • Taleefoonada badan oo uu qofku iskaga hadlo.
  • Hurdada faraha badan.
  • Internetka siiba chatingka badan .
  • Saaxiibada xun- xun
  • Dalxiiska faraha badan.
  • Isku qasida arimaha muhiimka ah iyo kuwa kale.

Intaas aan soo sheegnay oo dhan waxaad iskaga ilaalin kartaa adiga oo samaysta jadwal , qorshe oo aad ku xisaabtamaysid.

Waa tii uu Dr . Ali Sheikh Ahmed lahaa :

Dhimasho waa waqtiga dhuma

Dhulkan aan ku noolnahay

Dhaxsin baan ku wada nahay

Dhowr maalmo howshood

Yaan dhammays tiraynnaa

Haddaan dhaqanka la kharibin

Dhawaan waa la faaruqi

Oo dhimasho yaa iman

Dhammaanteen u simannahay

 

Dhab waxaan u fulinnoon

Sacaddiisa dhowrnoon

waajibkiisu dhumin baan

Barri dheefsanaynaa

Dhaxal ubad u noqon kara

Dhismo sharaf leh noo noqon

Danbi dhaafna lagu heli

 

Sebenkaad dhex joogtey

Dhabta noloshu kuu tahay

Inaad dhaafi meeshaa

Waqti kalena dhimanyahay

Dhulka sii camiri kara

Ma ogtahay inay dhici? .

Waxaaan kusoo gebagebaynayaa qoraalkan kooban ee aan kaga hadlayey qiimaha wakhtiga , tuducyo ama meerisyo uu lahaa xaaji aadan afqalooc isaga oo ka hadalaya qiimaha wakhtiga waxa uu yidhi:

Axmaqnimo wakhtiga kaaga tegey – oohin kugu reebye

Aayatiin ku dhaaftaana waa – waxaan la eegayne.

Wixii khalad ah ee aan galay waa naftayda iyo shaydaan , wixii aan asiibayna waxay u sugnaadeen illahay iyo Rasuulkiisa, illahay waxaan ka baryayaa inaanu iga dhigin kuwa uu ku yidhi ( ma dadkaad wanaaga faraysaan , oo naftiina ayaad hilmaamaysaan , idinkoo kitaabka akhrinaya , miyaydaan caqli lahayn) Al-Baqrah:44).

W/Q: Samsam Said Mohamed

Email: samsamsaidali@gmail.com

Garowe-Nugal-Puntland state of Somalia.