Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXVIII) 68 aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

ugaas isse
Waxaa dalkii ka samaysmay nidaam dowladeed oo aad cajiib u ah, oo malaha Soomaaliya ay noqonayso dalkii ugu horeeyay ee qanigan cusub ee 21aad lagu tijaabiyay isla markaasna hadda u eg inuu yahay mid lagu guuleystay in laga dhaqan geliyo, hab gumeysi aan horay noociisu u jirin laakiin saansaan ahaan u dhow Qaybi oo Xukun (Divide And Conquer/Divide And Rule) ilaa maalintii uu dagaalkii lagu burburiyay qanimmadii Soomaaliya uu bilowday dalkan sidii loo qabsan lahaa ayeey ahayd waxa laga fekeriyay, si walbana waa lagu soo guul dareystay, mar dambe ayaa dalalkii duulaanka ahaa ay ku baraarugeen in Soomaaliya aysan uga baahnayn xoog iyo xoolo faro badan oo ay ku beelaan, laakiin heerar badan bay soo martay, mar laysu ekeysiinayay in la heshiisiinayo kooxihii dagalamayay, waayo marna dhab ma ahayn in la rabay in la heshiisiiyo waxaadna ku garanaysaa inaan la rabin hadana labada koox waa la hubaynayay oo isla dalalkii shirka u qabtay baa labdaba hubka siinayay, mar ciidamo nabad ilaalin ah la keenayay, waxaana hadda loo qaadaan karaa ciidammadaas inaan loo keenin nabad ilaalin ee qorshuhu ahaa in sida kuwa AMISOM ee hadda dalka jooga lagu qabsado laakiin ay ka soo hor-dhaceen waqtigii munaasabka ahaa!….

 

Talladii ka soo baxday shirkii Mbagathi waxaa laga qaatay in dowladda la dhisay ciidamo lagu daro, laakiin ujeeddadoodu ka duwantahay tii markii hore dalalk Afrikaank iyo urur goboleeka IGAD ay bala qaadeen, waa laga yaabaa madaxdii shirkii Mbagathi ka soo baxday iyo kuwii ka dambeeyayba inay u haystaan in ciidammada AMISOM ay yihiin kuwii loogu sheegay inay ilaalinayaan ammaanka dowladda Soomaaliyeed, laakiin haddii ay sidaas u qaateen talladii runta ahayd way garab marsanyihiin…waayo qaabkii lagu heshiiyay in ciidammada dowladda ammaankeeda sugaya ee AMISOM ay ku shaqayniyaan ma waafaqsana awoodaha iyo qaabka ay adeegsanayaan ciidammada AMISOM, iyaga ciidanka Itoobiya magaca AMISOM waxay u isticmaaleen hagoog ay isku qariyaan laakiin qawaaniinta AMISOM oo dhan bay bannaanka ka joogaan mararka inay xaaladdu kashifanto ka cabsadaan mooyaanee….

 

Waxaa AMISOM looga aamusay, oo Itoobiya waxay doonto dalka uga samaynaaysaa ilaa ay gaartay inay noqoto Dammaanad –Qaadaha heshiisyada Soomaalida dhex maraya,  iyadoo ay QM diiday inay dammaannadda caynkaas ah ay qaado waxa u sabab ah waa hal shay, waa hal shay oo keliya oo waxa Beesha caalamka loogu yeero ay ogaatay inay Soomaalida dhexdeeda ka dhimatay….KALSOONIDII!….madax-weynuhu wuu arkaa inaysan u cuntamayn sida ay AMISOM ula dhaqmayso, waziirka wuu arkaa, xil-dhibaanku waa u jeedaa. Laakiin waxay rumaysanyihiin haddii ay AMISOM sida waajibkoodu yahay ula hadlanaan in Al-SHabaab lagu marti qaadayo….marka waa qaybi oo xukun laakiin maxay kaga duwantahay dunidii waxay isaga marqaati kacaysaa inaad dowlad tahay, adigana waxaad isugu yeeraysaa dowlad, xaqiiqduna waxay tahay inaadan dowlad ahayn ee aad isticmaar ku jirto….

 

Waxaa iyadana in la cadeeya u baahan in madax-weyne Xasan SHiikh Max’uud iyo Max’ed Cuthmaan Jawaari aysan ahayn nimankii laga sugayay inay kalsoonidaas raadiyaan…. Waliba madax-weyne Xasan SHiikh waxaad moodaa inuu wax gaar ah ogyhay ama loo soo sheegay……ciidammada AMISOM xafiisyada iyo xarumaha dalalka shisheeyaha ah ay Xamar ku leeyihiin, waxaan kaaga daran in waddammada waaweyn qarkood ay leeyihiin askar Soomaaliyeed oo ay iaygu taba bareen oo mushaar ay siiyaan….laakiin adigu madax-weynaad tahay….Ra’iisal wazaare, Af-hayeenkki barlamanka, gole waziiro, gole shacab….Dowlad!…..Qaranimadeennii meel waxay ku jirtaa u baahan talo iyo geesinimo!…Al-SHabaab Soomaaliya kama adka iyada waxa ay wadato!…Soomaaliyana ma aha ummad lagu cabsiiyo wiilal yar-yar oo qaaqaawan!……..

 

 

Hasa ahaatee maxay kula tahay dalalka shaatiyada badan inoo soo gashtay, laakiin wada huwannaa magaca Beesha Caalamka!….. Gabadhii yarayd ee ayeeyadeed intuu dhurwaagii cunay  hadana bustaheedii huwaday maxay tiri “laakiin ayeeyo maanta dhegahaagu dhaadheeraa!..” Ingiriiska waa Beesha Caalamka! Bal hadda Itoobiya ka waran waa AMISOM!… waxaa qiil laynoo helay noqday Soomaaliya inaysan heshiin karin, inaysan marna xil-kas noqon karin.. waxaa qiil lanoo helay noqday muddoo labao sano ah (Oktoobar15,2002-Oktoobar14,2004) baan Mbagathi ku haynay waa dad u baahan in la maamulo oo isma maamuli karaan, waa dad naftooda iyo dunidaba khatar ku ah, wax kale iska dhaafee Xataaa Ismaaciil Cumar Geelle markuu arkay sida aan nahay iyo sida laynaga damcay wuxuu door biday inuu dulaal ka noqdo arrimaha Soomaaliya oo dhan meeshuu isagoon cidna uga haybaysnayn dalka oo dhan sheegan lahaa!…..

 

Waxaa intaas  ka daran Xasan SHiikh Max’ud heshiisyo faro badan oo uu saxiixay si shakhsi ah oo aan laga war hayn baa jira siiba kuwii ay wada galeen isaga iyo David Cameron, ra’iisal wazaarihii hore ee Ingiriiska, intooda bandanna dulucdoodu ahayd in Xasan SHiikh Max’ud uu noqdo sharciga loo isticmaaaylo waxa kasta oo dan ah oo laga leeyahay Soomaaliya, waliba sida aan xog ku hayo waa saxiixyadaas tiirka ugu weyn ee khilaafkii dhex maray Xasan SHiikh Max’ud iyo madax-weynihii hore ee Puntland Cabd-Raxmaan Faroole……waxaana loo baahanyahy in lays weydiiyo maxaa golihii dhamaa ee barlamanka marna wax uga weydiin waayeen madax-weynaha Xasan SHiikh Max’ud heshiisyada uu soo galay, siiba heshiisyadii  dhex maray isaga iyo ninkii David Cameron ahaa?! Jawaari wuxuu isku mashquuliyay difaacidda madax-weynaha, laakiin maxaa ku dhacay xil-dhibaannadii kale?!….. Haddii dowladna laynagu magacaabay hadana aynaan dareemayn….aaway dad-weynihii?! Sow dalku iyagu ma laha?!

Beri la soco….

PUNTLAND POST